Shaki kuma jirro in guud ahaan degaamadda Dowlad goboleedka P/L si weyn looga soo dhoweeyeey is bedelka hogaanka,geedi socodka maamulka iyo higsigga mustaqbal rajo wanaagsan leh, iyadoo mar walba amaan iyo bogaadiin loo soo jeedinaayo maamulkii hore Xukuumadii Madaxweyne Dr. C/Raxmaan Faroole dadaalkoodii iyo habsamidii eey xukunka u dhiibeen
(Gobanimo dheh) hadaba booqashooyinka kormeerka ah Madaxweynaha iyo Waftiga balaaran oo weheliya ayaa ujedadooda koowaad tahay Indhahooda ku soo arkeen xaalad Nololeed bulshadda,habka howlaha maamulka uga socdaan iyo ogaanshaha baahidajirra si qorshaha cusub ee is-bedelka loogu daro iyadoo mudnaanta la siinaayo sida eey u kala culus yihiin (gaar ahaan bulshadda:- Caafimaadka,Waxbarashadda,Sugidda Amaanka.
Wadooyinka, Ceelasha Biyaha, Daryeelka Agoonta, Naafadda, Shaqo abuuridda iyo guud ahaanba howlaha Horumarinta) waxaa xusideeda mudan habka loo soo dhoweeyeey iyo farxadda dadweynuhu muujiyeen (tallaabo ku cusub Dadweynaha reer P/L intooda badan) anagoo rajeeyneeynaa wax qabad iyo horumar dhab ah (Inshaa Allah) booqashaduna mid gaarta degaamadda P/L intii macquul ah.
Hadaba anagoo tix-raaceeyna qorshihii ololihii doorshada iyo balan qaadyadii kooxdan is-bedlka(Maamulka Cusub)waxaanu ku adkeeyneeynaa dadaal muujinta iyo ka rumeeynta balanka intii awoododa ah mudadda 5-Samo ah,waxaa ahamiyad gaar ahaaneed leh la imaansho:-Hufnaan iyo Habsami Maamulka, Cadaalad iyo garsoor toosan, Sugidda amaanka, Xoojinta iyo horumarinta adeegyadda bulshadda, Mashaariic horumarinta ah, Shaqo Abuurid, Kor u qaadiida aqoonta iyo farasamada Shaqaalaha Maamulka.
Wadda shaqeyn wanaag qeybaha Maamulka,Wakiiladda sida ku haboon xilkiisa u guta Hey’adda fulinta si cad ula Xisaabtama(garta oo guta xilka eey dadweynaha u hayaan)taageera lana duubta wixii wanaagooda leh Golaha Fulintu ku dhaqaaqaan,sidoo kale Dadweynaha gudaha iyo qurba joogaba waxaa looga baahan yahay taageeridda iyo la shaqeynta Maamulka cusub(Is-bedelka Iftiin Wanaagsan leh)isku duubnida guushu ku jirtaa, P/L waa u baahan tahay Mucaarad hifoow indhaha dadweynaha ah iyo Muxaafid run sheeg ah(laakiin Mcaarad cadoow ah(Dumin u taagan iyo Muxaafid Durbaan beeneed tumaaya Maya iyo Maya)mid gaar ah-Fadlan Madaxweyne adiga iyo maamulkaaguba Musuq maasiqa dagaal weyn ficil ah ku qaada-waayo P/Land Musuq-maasaq yaa la degay-waadna og-tihiin.
Gunaanadka urur ahaan waxaanu Hogaanka cusub P/Land u aragnaa mid leh aragti wanaagsan,dareen iyo damiir wadaniyadeed,aqoon,waayo aranimo iyo daacadnimo-guul,horumar,wax-qabad muuqdda iyo xil gudasho dhab ah ayaanu Raxmaanka uga tuugeeynaa(Alloow Guul Xaq ah)-aamiin).
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-UK-Jun-02-2014.