Kayaabaa kama nabadgalo ayaa ii soo baxday bishan May bilowgeedii waxaana ii caddaatay in 2 Boqor loo kala magacaabay wiil iyo adeerkiis, ayna kala yihiin: Burhaan Boqor Muuse iyo Axmed Boqor Cabdullaahi. Burhaan ayaa adeer ah, Axmed ayaana adeer loo yahay. Su’aasha markaas ii soo baxday ayaa waxay noqotay, haddaba waayahaye kuma yeelan jiray Boqortooyada? Ma walaal ayaa dhaxlijiray Boqortooyada mase dhalyada ama wiilka boqorku dhalay?
Waxaan akhristay in Boqor Cabdullaahi Kinkoon oo dhowaan dhintay uu ahaa Boqorkii ugu dambeeyey wuxuuna dhalay Axmed Boqor C/laahi oo ah Boqorka runta ah ee dhaxalkiisa loo xoogayo adeerkiis Burhaan Boqor Muuse. Waxaa kaloo ii soo baxday markaan wax akhristay in aan is-afgaranwaagu u dhexeyn labada nin ee ehelka ah ee ay dhibaatadu tahay xaalad la siyaasadeeyey oo ay kala jiidanayaan taageerayaal kala raacsan Boqorrada, waxaana moodaa in aan eeddaas qaar ka mid ah siyaasiyiinta dawladda Puntland ka marnayn. Wax-jiraba Eebbe ayaa ogsoon, warjiraana cakaaru iman, waxaana aad uga rajaynayaa cidkastaba in aynaan qoryo dab leh isugu dhiibin guryaheenna iyo gaar ahaan ehel wada dhashay.
Damacaan oo kale hore ayuu uga dhexqaray boqortooyadan qudheeda, wuxuuna gaaray heer aad u adag, hase yeeshee ugu dambaystii Beel reer Bari ah ayaa kala saartay, waana sida aan maqlay. 2daas Boqor ee maskabka isku haysta guul laga gaarimaayo haddii aan si caddaalad iyo daacadnimo ahayn loo dhexgelin, mana habboona in xaaladdooda la siyaasadeeyo ama loo kala hiiliyo. Haddii loo kala hiiliyo ogaada meeshii aad mid ka qaadato mid kale oo la siman ayaad kaga tagtay, godobtuna waa kuu dheertahay. Arrintaan iyada ahi waxay ka mid tahay waxyaabaha badan ee bulshada u dhexeeya ee xasaasiga ah, waxayna mudantahay in aan marnaba laga marin habaabin halka ay runtu tahay.
TALO SOO JEEDIN
Anigu qof ahaan waxaan talo ku soo jeedinayaa:
1. in labada Boqor talo lagu siiyo in aanay u soconayn 2 Boqor oo ay labadoodu kala xambaarsadaan, sidaas darteed waa in labadoodaba guri lagu xereeyo iyagoon cid kale wehelin, ayna halaas ku sheekeystaan kuna dadaalaan in ay isu tanaasulaan, ayna iyagoo ah wiil iyo adeerkiis wax isu quuraan iyagoo ka fogaanaya is-jiidjid iyo in midkood lagu rido go’aan adag oo kama dambays ah oo dibadda kaga yimaada.
2. in haddii ay labadoodu diidaan in ay isu tanaasulaan, in inta ehel ugu dhoow oo samokatalis ah loo xilsaaro in ay shaandheeyaan kala saaridda wilashooda iyagoo si caddaalad ku dhisan u adeegsanaya habkii iyo hannaankii xeerka u ahaan jirtay dhaxalka Boqortooyada Daarood.
3. in haddii ay eheladaasi haddana ku guuldarraysato tallaabadaasi waa in arrinta loo bandhigo odayaasha dhaqanka ee Harti.
4. in haddii intaas oo jeer ee kor ku qoran heshiis iyo dawo lagu gaariwaayo, waxay ila tahay in mawduucaas talo ka gaaristeeda lala kaashado Daaroodka badan ee kale, sida DDS ee Ethiopia, Jubbaland, Soomaalida Waqooyi Bari ee Kenya iyo qaybta Deegaanka Galgaduud.
Ugu dambaystii waxaan aaminsanahay in ay arrintu intaas oo dhan ka fududdahay haddii aan la cuslayn arrinta, si daacadnimo ahna loo dhexgalo, waxaana rajaynayaa in aan marnaba la fududaysan xaaladdaas, waana in xil culus la iska saaro si aanay innooga fogaan.