$ 0 0 Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cabdixakiin Cabdullaahi Camey, oo wareysi gaar ah siinayay TV-ga Somali Channel, ayaa kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin khilaafka dowladda Federalka iyo Puntland, maamulka Somaliland iyo booqashada Buhoodle ku joogo Wasiirka Caafimaadka Somaliland. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in Khilaafka u dhaxeeyay DF iyo maamulka PL uu wali yahay mid taagan oo aan wax xal ah laga gaarin. Waxaa isbadal magacyadi madaxweyne Faroole iyo ku-xigeenkiisa balse siyaasada Puntland waa mid cad,mana jirto wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii dowladda faderaalka iyo Puntland,arrimihi ay diidaneyd dowladda hore waxaa ay noo noqden wax muuqda” ayuu yiri M/weyne ku xigeenka maamulka Puntland.