Madaxweynihii hore ee Puntland mudane Cabdiraxman Shiikh Maxamad Faroole oo maalmahaan booqasho ku joogey dalka Talyaaniga gaar ahaan magaala madaxdiisa Rome ayaa Jaamacad la yiraahdo Roma 3 ka jeediyey qoraal dheer uu kaga hadlayo nidaamka Federaalka iyo sida Soomaaliya looga hirgalinayo gaar ahaan Puntland sidey hurmuudka ugu tahay.Kulankan oo ay qabatey Jaamacada Roma 3 qaybteeda u qaabilsan cilmibaarista Somalia ayaa waxaa ka soo qayb galey Diplomaasiyiin, Saraakiil ka socota wasaarada Arrimaha dibada, Macalimiinta Jaamacada, Ardeyda wax ka barata halkaas iyo qaar ka tirsan jaaliyada Soomaalida.Madaxweyne Farole ayaa kulamo kale oo saxaafada lagu soo bandhigi doono la filayaa inuu la yeesho madax ka tirsan dowlada Talyaaniga iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dalka Talyaaniga.
↧