Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nigeria:-Gabdhihii ardayda ahaa ee la afduubtay oo la ogaaday halka lagu haayo.

$
0
0

Gabdhihii ardayda iskuuleyda ahaa ee lagu afduubtay waqooyiga Nigeria ayaa la ogaaday halka lagu haayo, iyadoo uu socdo baadigoob caalami ah oo loogu jiro soo furashada gabdhahaas la qafaashay.

Gudoomiyaha Gobolka Borno ee ah halka gabadhaha laga afduubtay ayaa sheegay inay ka war heleen halka ilaa 200 gabdhihii ardayda ahaa ay la aadeen Kooxda Boko Haram.

Kashim Shettima ayaa sheegay in lagu haayo gabdhahan xero milateri ay leeyihiin Boko Haram oo ku yaala howdka.

Waxaa uu sheegay in aan wali laga tallaabin xuduuda Chad iyo Cameroon, balse ay rumeysan yihiin in meel u dhow xuduuda Cameroon lagu haayo gabdhahan.

Goor sii horeysay Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu marti gelinayo shir looga hadlayo kooxda Boko Haram oo ay ka soo qeyb galayaan dalalka Gobolka ee deriska la ah Nigeria.

Mr Francois Hollande ayaa sheegay in shirkan uu dhici doono maalinta Sabtida, hadii ay isku raacaan dalalka ka qeyb galaya.

Dalalka Nigeria deriska la ah sida Cameroon, Niger, iyo Chad ayaa shilkan looga hadlayo ammaanka gobolka lagu casuumay.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK, waxaana dalalka reer galbeedka ay ka qeyb qaadanayaan dadaalada lagu baadigoobayo gabdhaha la qafaashay.

Dunida oo dhan ayaa si aad ah uga gil gilatay afduubka ilaa 200 gabdhood oo 14-kii bishii hore laga qafaashay iyagoo jooga Iskuulkooda, waxaana Hogaamiyaha Kooxda Boko Haram uu ku hanjabay inuu iibin doono.

_gabdho_nigerian_2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles