Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Hay’ada Relief International(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli M. Ali Gaas Ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socday hay’ada caalamiga ah ee Relief International, weftigaas oo ay hogaaminaysay madaxa sare ee hay’adaasi haweenayda loo yaqaano Nancy E. Wilson.

Madaxa Hay’ada Relief International Nancy E. Wilson ayaa booqashadeeda ay ku timi Puntland waxaa ku weheliyeyku xigeenkeeda dhinaca mashaariicda iyo Agaasimaha goboleedka Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan hay’adaasi.

kulankan uu maanta madaxweynaha Puntland uu la qaatay Relief International ayaa waxuu ku saabsanaa hitgelinta mashaariicada ay ka wado hay’adaasi gebi ahaanba Soomaaliya gaar ahaana Puntland.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli iyo masuuliyiintii ka socotay Relief International waxyaabahii ugu waaweynaa ee ay ka wada hadleen maanta waxaa ka mid ahaa mashruuca waxbarashada gabdhaha.

Mashruucaas waxbarashada gabdhaha oo bartilmaameedkiisu yahay (9.300), sagaal kun iyo saddex boqol oo gabdhood oo reer Puntland ah ayaa Mdaxweynaha Dawlada Puntland waxaa uu sheegay in mashruucaasi uu yahay mashruuc aad u muhiima.

Kulankii maanta uu la yeeshay Madaxweyne Dr. Abdiweli Hay’ada Relief International ayaa waxaa la xidhiidha qorshaha dawlada Puntland ee dhanka tayanta waxbarshada iyo kobcinta aqoonta, waxaana uu madaxweynaha Puntland uu sheegay in Hay’adan iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland ay muhiim tahay inay yeeshaan xidhiidh wada shaqaynayd oowanaagsan.

Dhinaca kale mashaariicdii ugu xusuusta badnaa ee hay’adani Relief International ay ka fulisay Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa mashruucii ” Media Education” ee lagu banayey mihnada saxaafada, mashruucaasi oo dad badani wax ka barteen.

IMG_2767 IMG_2769 IMG_2770 IMG_2772 IMG_2773 IMG_2774 IMG_2775 IMG_2778 IMG_2779 IMG_2780 IMG_2781 IMG_2787 IMG_2789 IMG_2790 IMG_2791 IMG_2792 IMG_2793 IMG_2794 IMG_2795 IMG_2796 IMG_2797 IMG_2798 IMG_2799 IMG_2800 IMG_2801 IMG_2802


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles