Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan abaaraha Somalia iyo biyo yarida.

$
0
0

Roobabka oo aad u yar qiimaha cuntada oo sare maray iyo dagaalada oo sii socda ayaa sababay in xaalada Soomaaliya ay kasii darto sidaasi waxaa yiri Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobay Phillipe Lazzarini.

Phillipe Lazzarini ayaa ka digay in haddii sida ugu dhaqsiyaha badan aan arimahaasi wax looga qaban ay horseedi karto in xaalada ay kasii darto bilo kadib qaas ahaan haddii dhaqaalaha taageerada uu yaraado ay sababi karto in mashaariicda ay hoos u dhacaan.

Isku duwaha arimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay ayaa hadalkaan ka jeeday kadib markii wariyaasha uu kula hadlay magaalada Genava ee dalka Switzerland, isagoo sheegay in haddii dhaqaalahaasi todobaadyo gudahooda lagu bixin ay xaalada kasii dari karto.

“Haddii dhaqaalaha aan lagu helin todobaadyada soo socda adeegyada caafimaadka dadka u baahan oo gaaraya 3 milyan, oo badankood ay yihiin haween iyo caruur ayaa noloshooda weyn kara”sidaasi ayuu yiri Mr Lazzarini.

Wuxuu sheegay in arintaasi ay ugu wacan tahay dib u dhaca xili roobeedka sara u kaca qiimaha raashiinka iyo dagaalada oo kasii socda Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay sababayaan in Soomaaliya ay ku laabato abaarihii ka dhacay sanado ka hor.

Dhowaan ayaa golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen in dalka ay ka jirto abaal Cuna yari iyo Biyo’la’aan loona baahanyahay in si deg deg ah dalka loogu soo gurmado.

Qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya ayaa waxaa jira dad badan oo abaarta Biyo la’aanta iyo haraadka ugu geeriyooday iyadoo roobabkii xiliga guga ay soo daaheen.

469796-Philippe_Lazzarini


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles