Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ardayda Iskuulada Magaalada Kismaayo oo u Fariistey Imtixaankii 2013-2014.

$
0
0

Arday wax ka barata dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee magaalada Kismaayo oo ay tiradoodu gaareyso 9,345 qof ayaa saakay u fariistay imtixaanka sanad-dugsiyeedka 2013-2014.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Faarax Cali oo Warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in sidoo kale deegaannada kale ee gobollada Jubbooyinka saakay loo fariistay imtixaanka.

Imtixaanka ayaa socon doona muddo toddobaad ah.

Dugsiyada waxbarashada ee gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa gacanta ku haysa dallada waxbarashada Jubbooyinka, taas oo taageero ka hesha dalladda FPENS ee fadhigeedu uu yahay magaalada Muqdisho.

arday-imtixaanka-RBK-300x168


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles