Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Midowga Yurub oo bog cusub u furuya xiriirkooda Soomaaliya.

Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sheegay inay bog cusub oo dhanka dhaqanka ah u furayaan xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Danjiraha wuxuu ka hadlay xuska 64-aad ee ka soo wareegatay sanad-guuradii baaqa Schuman oo lagu qabtay Muqdisho, kaas oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Michele Cervone d’Urso ayaa ku dhawaaqay in xarumo dhaqan ay ka hirgelinayaan Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya ku wareejiyay daraasad lagu baaray dhaqanka oo ay diyaarisay hay’adda waxbarashada iyo dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNESCO).

Danjiraha ayaa caddeeyay inay Soomaalidu leedahay dhaqan qani ah, sidoo kale ay isku xiran yihiin dhaqamada dalalka Yurub iyo Soomaaliya , maadaama ay wadaagaan xiriir qotodheer.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Michele-Cervone-d’Urso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369