Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Siilaanyo “Ma jirto xiriir inoo dhaxeeya iyo waraaq aan is weydaarsanay aniga iyo Xasan Sheekh”

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in labada maamul ee Puntland iyo Somalilanduu kala hadlay xiisadii deegaanka Taleex ee Gobolka Sool.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in dowladdisa ay dadaal u gashay sidii loo qaboojin lahaa xiisada Taleex, markii Ciidamada Somaliland ay galeen Taleex, isagoo xusay in labada Madaxweyne uu kala hadlay sidii xiisada loo qaboojin lahaa.

Siilaanyo oo la hadlayay Baarlamaanka Somaliland ayaa beeniyay in xiriir uu dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo haba yaraatee beeniyay warar la isla dhex marayay maalmahan oo ahaa in waraaqo is weydaarsadeen.

“Waxaa maalmahan maqlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo sheegaya in xiriir noo dhaxeeyo iyo waraaq inaan is weydaarsanay, waxaa dhici karta in waxqabadkiisa uu ku darsaday, ma jirto waraaq aan is dhaafsanay oo aan ka aheyn tii aan ugu hambalyeynayay doorashii madaxtinimadiisa”ayuu yiri Siilaanyo.

Siilaanyo411


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles