Xisbiyada mucaaradka ee Dalka Kenya ayaa bilaabay inay dowladda Uhuru Kenyaati usoo jeediyaan baaqyo ku aadan in ciidanka Kenya laga soo saaro Somalia maadama ay Dowlada Federaalka Muqdisho ugu yeertay Safiirka u Kenya u fadhiya.
URP iyo ODM oo ka mid ah Xisbiyadda mucaaradka ee ka jira Dalka Kenya ayaa sheegay inay tahay arrin fool xumo ah in Dowladda Kenya ay ciidankeeda sii joogaan Soomaalia xili uu muuqdo in xiriirkii labada dhinac uu sii xumaaday.
Masuul ka tirsan URP ayaa sheegay inaysan munaasibad ahayn ciidanka Kenya ka socda ee Soomaaliya jooga xili Safiirka Somalia ee Kenya looga yeeray maalada Muqdisho lagana tashanayo sida Kenya laga yeelayo maadama ay dib usoo celisay Soomali faro badan nayroobi-na lagu xiray qunsun Siyaad Shire.
Maalintii Axada ee lasoo dhaafay ururka ODM ayaa sheegay inay ay haboon tahay dib usoo celinta ciidanka Kenya ka jooga Somalia si loo sii adkeeyo ammaanka Nayroobi oo faraha kasii baxaya.
Madaxwayne ku xigeenka Kenya William Ruto oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisi Nayroobi ayaa sheegay inaysan jirin sabab ciidanka Kenya looga soo saaro Somalia ayna sii joogi doonaan.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Waxaa soo baxaya wararka sheegaya inuu sii xumaaday xiriirka ka dhaxeeya DF iyo Kenya kaasoo salka ku haya xariga ay Kenya magalada Nayroobi ugu gaysatay Qunsun Siyaad Maxmaud Shire iyo sida sharci darada ah ee loo raafayo shacabka Soomaaliyeed.
Dhowaan waxaa magalada Kismaayo soo gaaray qunsun ay Kenya usoo magacaabatay magalada Kismaayo kaasoo markii danbe dhaliyay shaki soo kala dhex galay Villa Somalia iyo madaxda Kenya.
Xasan Shiikh Maxmauud oo saxafada la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladda Kenya ay qunsul usoo dirsatay magalada Ksmaayo oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.