Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si deg deg ah dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo soo gaba gabeynaya booqasho uu ku joogo dalka isu taga Imaaraadka Carabta.
Warar ay heleyso Raadreeb.com ayaa sheegaya in laga yaabo in gelinka dambe ee maanta uu ku soo laabto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uga jawaabo baaqii ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka ee ahaa inuu is casilo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sabtidii kula kulmay magaalada Addis Ababa Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in sanadka 2016 dalka ka dhici doonto doorasho, hase ahaatee xubnaha Baarlamaanka ayaa ah dhaliilaha ay qabaan inay tahay in sanadka 2016 aanay u dhoweyn in dalka doorasho ka dhacdo.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku guuldareystay hogaaminta dalka, isla markaana uusan fulin balaqaadyadiisii ahaa lixda tiir, iyadoo Xildhibaanadu ka digeen in xaalad mugdi ah dalka geli doonto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ka bilaabo caasimada galaan gal siyaasadeed oo xoog leh, si uu ku baajiyo ololaha lagu doonayo in meesha looga saaro, ka hor inta aanay dhamaan waqtigiisa.
Shalay ayay aheyd markii in ka badan 100 Xildhibaano oo kulan qado ku yeeshay magaalada Muqdisho ay ka soo saareen bayaan ka kooban 14 qodob oo Madaxweynaha Soomaaliya looga dalbanayo inuu is casilo.
Waa culeyskii ugu weynaa dhinaca siyaasada ee Madaxweynaha ka soo wajaho Baarlamaanka, iyadoo dadka odorasa siyaasada ay sheegayaan in kacdoonkan cusub ee ka bilowday Baarlamaanka uu keeni karo qal qal siyaasadeed oo ragaadiya dowladda Soomaaliya.