Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Afhayeen cusub u magacaabay Gobolka Banaadir, kadib markii uu is casilay Afhayeenkii hore C/baasid Maxamed C/raxmaan oo xilkan loo magacaabay 16-kii bishii Maarso.
Afhayeenka cusub ee la magacaabay Axmed Cusmaan Muxiyadiin (Showqi) ayaa ah nin dhalinyaro oo ku soo waxbartay dalka Pakistan, gaar ahaan magaalada Karachi, halkaasoo uu Jaamacad ku soo dhameeyay, kuna soo diyaariyay darajada Master.
Axmed Showqi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ka mid noqonaya dhaliyarada aqoonyahanada ah ee dhowaanahay loo magacaabayay xilalka Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo tallaabadan aad loo soo dhoweeyay.
Dhinaca kale Afhayeenkii hore ee Gobolka Banaadir C/baasid Maxamed C/raxmaan ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sabab uga dhigay is casilaadiisa, in lagu soo fara geliyay howlihiisa, taasna ay keentay inuu is casilo.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa horay u soo maray ilaa 7-Afhayeen tan iyo sanadkii 2007-dii, iyadoo labo ka mid ah la dilay.
Image may be NSFW.
Clik here to view.