Madaxda Puntland ayaa ka been sheegay wada hadal ay dhowaan la galeen maamulka Somaliland iyo qodobadii ay ku heshiiyeen.
Halkan ka Akhriso Wasiirada Somaliland oo Amuurtaasi ka Hadlaya.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, wasiirka waxbarashada Puntland Cali xaaji Warsame, wasiirka amniga Xasan Cismaan Aloore iyo la taliyaha madaxweynaha Puntland oo horay u ahaan jiray wasiirka dawladaha hoose Cali Cabdi Awaare oo hal beel ka soo wada jeeda ayaa dhowaan kula kulmay dalka Itoobiya wafdi ka socda Maamulka Hargaysa, waxayna ka wada hadlean Two-state solution . Macnaha Two-state solution ayaa ah koonfur iyo waqooyiga Soomaaliya oo beelaha dega Sool iyo Sanaag ayaa la doonayaa in lagu daro waqooyi oo xadku noqdo Maqaalada Qow oo dhowaan uu soo booqday Madaxweynaha Puntland.
Cali Cabdi Awaare oo ka mid ahaa isbedel doonkii Puntland, oo hadda ah la taliyaha madaxweynaha oo oryo walaal yihiin ama kala qabaan labo gabdhood oo ilmo adeer ah Madaxweynaha Jabuuti Cumar Geele ayaa daaha gadaashisa ka wada arinta Two-state solution
Qodobadii lagu heshiiyey ayaa waxay ahaayen sadex qodob sida ay noo sheegeen dad xogogaal ah. Waana sababta Xildhibaanada Puntland hadda hurdada uga kaceen
Qdobka kowaad: Si aan bulshadu goboladaasi u shakiyin waa in aan Ciidamo hor leh oo labadda maamul ka socda aan la keenin goboladda Sanaag iyo Sool.
Qodobka labaad: Waa in dadki is dhex maraan oo ciidamadii horay u joogay dib loo celiyaa meelihii horay looga keenay
Qodobka sadexaad: Waa in labada maamul meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka argagixisada.
Madaxda Puntland oo hadda hogaanka u haya Dawladda ayaa ahaa intooda badan kuwii diidanaa 1998 in beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante ay ka mid noqdaan maamulkaas oo ay horay ugu heshiin waayeen iyagu markii ay isugu yimaadeen magaalada Qardho oo ay ku doonayeen in ay maamul ku samaystaan . Laakiinse markii Sool iyo Sanaag siyaasiyiintoodu au soo galeen maamul u samayntii ayaa waxa hirgalay Puntlandta aynu maanta naqaan.
Siyaasiyiinta beesha Dhulbahante, gaar ahaan hogaanka Khaatumo ayaa iyaguna waxay aaminsan yihiin haddii Beesha Isaaq ka tanaasulaan gooni istaaga in ay Soomaali inteeda kale wax kula qaybsan doonaan Two-state solution oo waqooyi la saaxiibi doonaan.
Beesha Warsangeli, iygu ma cadda siyaasadoodu waxay hadda aaminsan yihiin Puntland oo ay hal wasiir ku leeyihiin. Wasiirkiina waxa la hoos dhigay ama la mid ah xilkiisa Wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee Madaxtooyada Puntland, labo wasiir ku xigeen iyo Aafar Agaasime. Wasaardda waxbarashdda , amniga, Caafimaadka oo madax ka yihiin rag ka soo jeeda beesha Madaxweynaha ma laha WASIIRU DAWLAYAAL, LABO WASIIRO KU XIGEEN IYO DHOWR AGAASIME.
Beesha Axmed Harti oo iyaguna hal wasiir ku leh Puntland, hase ahaatee Canshuurta ugu badan ka bixiya Puntland sida muuqata waa laga qarinayaa siyaasiyiintooda iyo odayaashooda arinta Two-state solution oo ay wax la wadaagi doonaan sida muuqata Indho cadde iyo Nuunoow koonfurta Soomaaliya.
Gebagebadii waxaan la ogayn xildhibaanada dhowr iyo labaatanka ah oo mooshinka khiyaano Qaranka diyaarinaya in ay ku guulaysan doonaan oo ay Puntland dhinac uga leexin doonaan Madaxwynaha hadda xilka haya Cabdiweli Gaas oo qabyaaladi Madax martay.