Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maalinta Xorriyada Saxafadda Aduunka Oo Garowe Laga Xusay(Sawiro).

$
0
0

Munaasabad lagu maamuusayo maalinta xorriyadda saxafiyiinta Aduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaana munaasabaddaas soo qaban qaabisay hay’adda Releif International.

Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Cumar Camay ayaa ka qeybgalay munaasabadda, waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo bahda saxaafadda.

hadalladii laga jeediyey halkaas ayaa diiradda lagu saaray, muhiimadda ay leedahay saxaafadda oo loo ogolaado inay xorriyad ku shaqeyso, iyo dhibaatooyinka ka imaankara haddii la cabburiyo.

Axmed Cawil Maxamuud madaxa mashaariicda dhanka saxaafadda u qaabilsan  hay’adda Releif ayaa ka hadlay xuska maalintaan, wuxuuna sheegay in hay’addu ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo xirfadda saxafiyiinta Soomaaliyeed, ayna dalka Soomaaliya qeybo ka mida ka dhiseen machadyo lagu tababaro wariyaasha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar Camay ayaa sheegay in saxafiyiinta ka hawlgala Puntland ay si xor ah shaqadooda u gudankaraan xilligaan wixii ka dambeeya, iyaga  xaqiiqda ku salaynaya wax kasta oo ay bulshada usoo gudbinayaan.

Inkasdta oo saxafiyiinta Soomnaaliyeed ay dhibaatooyin fool xun  la kulmayeen dhawrkii sano ee ugu dambeeyey, ayaa haddana marka laga eego dhanka Puntland waxaa aad u yaraa dhibaatoyinka loo gaysto bahda saxaafadda.

DSCN9873 DSCN9884 DSCN9910(1) DSCN9922

vlcsnap-2014-05-03-17h53m16s66 vlcsnap-2014-05-03-17h53m31s2241 vlcsnap-2014-05-03-17h54m32s55 vlcsnap-2014-05-03-17h54m46s208 vlcsnap-2014-05-03-17h55m38s222 vlcsnap-2014-05-03-17h55m49s86 vlcsnap-2014-05-03-17h56m04s209 vlcsnap-2014-05-03-17h56m33s8 vlcsnap-2014-05-03-17h57m02s49


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369