Waxaa maanta maxkamadda darajada koowaad ee Gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Gardafuu iyo Karkaar la horkeenay rag lagu eedeeyay inay katirsanaayeen Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalama deegaanada Puntiland.
Xubnaha manta Maxkamada la horkeenay loona heesto in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa gaaraya ilaa afar nin , waxaana lagu kala Magacaabaa Xasan Xuseen Cabdi, Maxamad Cabdiqaadir Sheekh Axmad , Daa’uud Aadan ibraahim iyo Jaamac Maxamad Cabdullaahi.
Gudoomiyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland C/fitaax Maxamad Aadan ayaa ku dhawaaqay xakunka. Dilka ah ee lagu riday Sadax kamid ah Xubnahan maanta lasoo taagay darajada koowaad , waxaana xubnaha dilka lagu riday lagu helay dambiyadii loo heestay ee ahaa in ay Al-Shabaab katirsan yihiin , waxaana dib loodhigay dacwada mid kamid ah ragaasi eedeesanayasah ahaa.
Jaamac Maxamad Cabdullahi ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa nin Sirdoon ah oo katirsan Shabaabkaka dagaalama Buuraha Gal gala waxaana lagu xukumay xukun dil , sidoo kale Cabdiqaadir Sheekh Axmad oo isna Maxkamadu sheegtay in uu Shabaab katirsan yahay ayaa lagu xukumay dil iyo Xasan Xuseen Cabi ayaa isna loo heestaa dambi ah in uu kasoo dagaalamay Gobolka Sh/Hoose isaga oo Shabaab katirsan waxaa isna Maxkamadu ku ridayxukun dil ah.
Maxkmada ayaa dib u dhigtay dacwadaha loo heesaty mid kamid ah afarta eedeesane oo lagu magacaabo Daa’uud Aadan ibraahim , waxaana ninkan lagu eedeeyay in Moobeelkiisa laga helay meel ciidamada Puntiland qarax loo dhigay.
Maamulka Puntiland ayaa inta badan xukun dil ah iyo kuwa Xabsi dhaa dheer ah waxa ay ku ridaan dadka ay ku helaan dambiyada la xariira in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab oo iyadu ku biirtay Urur weynaha Al-Qaacida.