Ugu yaraan shan boqol oo ruux ayaa ku dhimatay labo kun oo kalana waa la la’ yahay kadib markii ay ku soo duntay buur waqooyiga dalka Afghanistan.
Buur ayaa ku soo duntay tuulo lagu magacaabo Hobo Barik sida uu saxaafada u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Badakshan ee Shah Waliullah Adeeb.
Inkabadan 250 guri ayaa dhoobo ay aastay iyadoo dadka gargaarkuna ay gaari la’ yihiin guryahaas ku aasmay roobabka.
Illaa hadda lama yaqaan tirada dadka ee ku aasmay buurta soo duntay hase ahaatee saraakiil ka mid ah dowlada ayaa waxa ay sheegeen in laga yaabo in labo kun oo ruux ay ku aasmeen buurta soo duntay.
Madaxweyne Hamid Karzai ayaa amray in gurmad degdeg ah loo sameeyo dadka ay masiibada ku habsatay waxaana halkaas la geeyay ciidamada dowlada si ay gacan uga geystaan samatabixinta dadka.
Hase ahaatee guddoomiyaha gobolka ay masiibadan ku dhacday ayaa sheegaya in aysan dadka gurmada ka shaqeynaya aysan haysan qalab ku filan, waxana uu guddoomiye Adeep codsaday in qalab lala soo gaaro dadka gurmadka fulinaya.
Gobolka Badakshan ayaa ah gobol buuraley ah waxana uu xad la leeyahay dalka Shiinaha. Bishii February 2010 ayaa in kabadan 170 ruux ay dhinteen kadib markii roobab sababay in ay buur soo dunto ay ka dhacday gobolkaas.