Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

John Kerry oo Afrika Booqanayo.

Xoghayaha arrimaha dibada ee waddanka Mareykanka, John Kerry, ayaa bilaabaya socdaal uu ku kala bixinayo dhowr dal oo Afrikaan ah.

Waxaa uu booqan doonaa dalalka kala ah Itoobiya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, iyo Angola.

Mr Kerry ayaa lagu wadaa in uu dalalkaasi kala hadlo colaadaha ka taagan Qaaradda, iyo sidii uu Mareykanka iskaashi dhaqaale ula samaysan lahaa wadammada Afrikaanka ah ee uu dhaqaalahoodu xowliga u kobcayo.

Kerry, ayaa ku hormari doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, waxaana uu madaxda kala hadli doonaa dhibaatada ka taagan South Sudan, iyo weliba sidii cadaadis loogu saari lahaa dhinacyada isku hayo waddanka dunida ugu dambeeyay ee xoriyad qaata.

Colaadda ka taagan waddanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa sidoo kale uu Mr Kerry kala hadli doonaa madaxda Afrika.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka, ayaa sheegay in Afrika aanu ka jirin war xun oo kaliya, balse ay jiraan dhinacyo wanaagsan.

Hadalkan oo uu jeediyay safarkiisa ka hor ayuu Mr Kerry ku sheegay, in Afrika ay hooy u tahay sideed dal oo ka mid ah tobanka dal ee dunida ugu dhaqaale kobac badan.

Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu horumariyo xiriir waxtar leh oo uu la yeesho dalalkaasi.

Iskaashigaasi ayuu Mareykanka diiradda ku saari doonaa booqashada uu Kerry ku tagayo dalka soo saara saliidda badan ee Angola.

Mr Kerry ayaa xiriir gaar ah la leh qaaradda Afrika, iyada oo xaaskiisa Teresa ay ku dhalatay waddanka Mozambique ayna wax ku baratay dalka Koonfur Afrika.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
140429225342_john_kerry_atlantic_council_conference_29_apr_2014_afp_304x171_afp_nocredit


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles