Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Dalka Ukraine oo sheegay in ciidamada dalkiisa Heegan Buuxa La Geliyey.

$
0
0

Madaxweynaha Talada haya ee Ukraine  ayaa sheegay in Ciidamada Mulatariga dalkaasi la geliyay heegan  dagaal oo buuxa, oo ay kaga hortagayaan duulaan ay suurtagal tahay inuu kaga yimaado  ciidamada ruusha ee isku urursanaya xuduuda labada wadan  wadaagaan.

Ku simaha Madaxweynaha, Olexsandar Turchynov, ayaa sheegay kulan uu golihiisa wasiirada kula yeeshay magaalada Kyiv shalay  oo Arbaca ahayd  in ciidamada Ruushka ay halis dagaal oo dhab ah ay ku hayaan dhulka Ukraine .

Hadalkan ayaa ku soo beegmay , iyadoo maleeshiyaadka taabacsan Ruushka ay qabsadeed dhismo kale oo ay dowladda Ukraine leedahay oo ku yaala bariga dalkaasi .

Kooxo muqaawama ah oo hubeysan ayaa xoog ku qabsaday dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Horlivka gelinkii hore ee maanta, magaaladaas oo ay ku noolyihiin 260 kun oo qof.

Booliska ayaa sheegay In maleeshiyaadaasi gacan saarka la leh Ruushka ay sidoo kale qabsadeen xarunta booliska ee gobolkaasi ee ku taala magaalada Horlivka.

ukrainian-acting-president-oleksandr-turchynov-1469076-ukraine-turchynov


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles