Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Safiirka Iiraan ee Dalka Kenya oo Balanqaaday inay Puntland Ka dhisi Doonaan Xarun Caafimaad.

$
0
0

Safiirka Dalka Iiraan ee ku Sugan dalka Kenya  Ayaa  Balanqaaday inay rug Caafimaad oo Casri ah ay ka dhisi Doonto Deegaanada Puntland ee dalka Soomaaliya .

Dr. Maxamed Cabaas Cumar oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland iyo Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Siciid Faarax Maxamuud ayaan kulan magaalada Nairobi kula yeeshay safiirka dalka Iiraan u fadhiya wadanka Kenya His Excellency Ambassador Maalik Xuseen Givzad. Kulankan ayaa ka dhacay safaarada IRAN ee ku taala Dennis Pritt Road ee magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa ahaa mid wasiirada Puntland ay kaga codsadeen dowlada IRAN in ay ka qeyb qaadato horumarinta deegaanada Puntland, gaar ahaa dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka.  Dr. Maxamed Cabaas iyo mudane Siciid Faarax ayaa safiirka siiyey warbixin qoto dheer oo ku saabsan xaaladda Puntland iyo baahida balaaran ee ka jirta ee dhinac walba leh.

Safiirka Iiiraan  mudane Maalik Xuseen ayaa balan qaaday in uu ku qancin doono maal-qabeeno reer IRAN ah in ay Rug-Caafimaad (clinic) ay ka dhisaan Puntland, taas oo la mid ah Rugta-Caafimaad ee Iiraan  ka dhistay magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa xusay in Bisha September ee sanadkan ay Soomaaliya soo booqan doonaan ganacsato iyo maalqabeeno reer IRAN, meelaha ugu horeeya ee ay booqan doonaana ay tahay Puntland oo ah deegaanada ugu amniga wanaagsan Soomaaliya.

Safiirka Iiraan ayaa isaguna dhiniciisa ka codsaday labada wasiir in ay gacan ka siiyaan nin reer Iiraan ah oo budh-cad badeed Soomaaliyeed ay ku haystaan magaalada Xarardheer ee badhtamaha Soomaaliya,  laakiin labada wasiir ayaa safiirka u sheegay in Xarardheere ay tahay magaalo ka baxsan maamulka dowlada Puntland, sidaa darteedna ay adag tahay in ay arintaas wax ka qabtaan.

Kulamada noocan oo kale ah ayaa qeyb ka ah siyaasada dowlada ee ah la sii xoojiyo xiriirka dowlada Puntland ay la leedahay beesha caalamka.

photo-1

photo 2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles