Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Reer Ciraaq Oo Doorasho u Dareeray(Sawiro).

$
0
0

Shacabka Ciraaq ayaa maanta u dareeray doorashada baarlamaanka dalkaas, iyadoo ammaanka guud ee dalka si aad ah loo adkeeyay.

Doorashadan Baarlamaanka Ciraaq ayaa ah tii u horeysay saddex sano kadib markii Ciidamada Mareykanka ay ka baxeen dalkaas.

Goobaha cod bixinta ayaa la furay saaka waabarigii hore, waxaana dadka ay ku codeynayaan ilaa kontan kun oo goobood dhamaan magaalooyinka dalka oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Nouri al-Maliki ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto markii saddexaad madaxtinimada dalkaas, iyadoo xoogaga kacdoonka wada ay ku sii xoogeysanayaan galbeedka dalkaas.

Dadka codeynaya ayaa waxay gaarayaan ilaa 22-milyan ruux oo la diiwaan geliyay, waxaana doorashadan ay dhacayaan, iyadoo isbuucyadii hore lagu dilay dalkaas ilaa 160 ruux.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa ciidamo la dhigay meelo badan, diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ciidamada ka taageeraya dhinaca hawada.

Dowladda ayaa si KMG ah u xirtay garoomada diyaaradaha, wadooyika muhiimka ah iyo wadooyinka laga soo galo magaalooyinka, si ay u xaqiijiso amniga dadka codeynaya.
doorasho_ciraaq_1

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles