Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Miino la Qaraxday Ninkii Aasayay oo Bosaaso Lagu Soo Bandhigay.

$
0
0

Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Bosaaso ayaa Maanta soo Bandhigay nin Aasay Miino uu rabay in uu dadka Ku Waxyeelayyo.

Ninka Miinada Aasayay ayaa Waxa laga Soo qabtay Xaafada Raf iyo Raaxo ee Duleedka Beerta Ilma Cismaan Xasan ( Juurile).

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in abaare labadii Fiidnimo ay maqleen qarax,kadib howlgal ay ciidanku sameeyen waxa ay ku guulaysteen soo qabashada ninkii aasayay qaraxasi oo lagu magacabo Ismaacil .

”Qaraxu waxa uu ahaa bambo yar oo lagu rakibayay meelyar oo qashin qub ah,waxana laysku rakibayay Moobilkan iyo bombada,howshuna waxa ay ahayd markii la rakibo kadib in meeshi larabay lagu qarxiyo”Ayuu yiri taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Muslim .

Ismaacil oo ah qofkii rakibayay miinadaasi oo isna lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid loogu talakalay in lagu qarxiyo goobaha ama xarumaha ciidan ee ku yaala Boosaaso,si loo khal khal galiyo amaanka Gobolka Bari .

Ciidanka Puntland ayaa sidookale soo bandhigay dad tiro ahaan gaaray 11qof,kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar waxana iyana lala xiriiranaya in ay ku lug leeyihiin qaraxaasi la fashilayay .

SS


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles