Eng-Jaabir Calasow oo ku guleystey Guddomiyaha Gollaha sare ee Ardayda Puntland ee Gobolka Awdal ee Somaliland.
Eng-Jaabir Calasow Guddomiyaha Golaha Sare ee Ardayda reer Puntland ee Boorama ayaa saakay Saxaafadda uga waramey wax qabadka u rajeynayo in u qabto, dhowrka sano ee fooda nagu soo heya.
Eng-Jaabir Calasow oo ahaa nin dhanka Xiriirka ardayda wax badan hore ka qabtey, lana so shaqeyey Ururada Ardayda ee ka dhisan Magaaladooyinka Bosaso iyo Boorama ayaa hatan waxa u guul ka gaarey in u si waddo howlihiisa shaqo.
Wuxuuna balan ku qaadey in u sameyn doono isbedelo dhanka horumarinta Xiriirka iyo wada shaqeynta Ururadda Ardayada ee Puntland iyo Somaliland ,wuxuu sidoo kale ahaa shaqsiga keliya ee u dhaqdhaqaaqa una dooda Xaquuqda Ardayda.
Eng- Calasow oo ah Arday wax ka dhigta Jaamacada EELO University oo kaalinta Sadexaad uga jirta dalka Soomaaliya dhanka waxbarashada ayaa ah.
Shaqsi u guntadey in wax badan la wadaago ardayda ay isku degaanka yihiin, in u hormariyo is dhexgalka bulshada ay la noolyihiin, in u joojiyo falalka foosha xun kana hortago cid walba oo gacan ka geysan karta dhibaatada, iyo burburinta ardayda reer puntland.
Doorashada kadib wuxu hadalkaan u sheegay Saxaafadda ka howl gasha Boorama.
‘’ waxaan halkan idinku cadeynayaa in aan wanaajin doono xiriirkii burburey ee ardayda dadkii ka shaqeyey burburinta sumcada ardayda reer Puntland in aan meel uga so wada jeesano oo aan gacan bir ah isaga qabano, waala socoteen dhowrki bilood ee lasoo dhafay arday ayaa la xirxirey, arday ayaa tahriibtey, arday ayaa muqadraadka baratey, waxaas oo dhan ayadda oo ay jiraan ayaa maamulkii hore ku guul dareystey in u wax ka qabto, nasiib wanaag waxaa ah in aan talabadii ugu horeysey aan ku guleysaney, aniga guushu iguma koobna ee waxaan la wadagaa dhamaan dadweynaha reer puntland kuwa jooga dalka iyo ardayda
halkaan joogta”
Golaha Sare ee Ardayda reer Puntland ee Boorama:-
1. Eng-Jaabir Calasow- Guddomiye
2. Axmed Xasan Qarni- Xoghayaha Guud
3. Maxamed Idiris Cartan – Guddomiye ku xigeen
Wixii Talo ah ugu soo hagaaji , Hambalyadu waa dhankiina
Email: Jaabiri_66@hotmail.com.