Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Shirweyne looga hadlayo amniga dalka oo Muqdisho ka furmay(Sawiro).

$
0
0
Shirweyne looga hadlayo amniga dalka ayaa maanta ka furmay Magaalada  Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Shir ay ka qeyb galayaan ergooyin ka kala yimid Gobolada dalka, islamarkaasna ku saabsan amniga dalka, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Iyadoo ergooyinka ka qeybgalaya ay ka kala yimaadeen gobolada dalka SoomaaliyaSadex-dii maalmood ee ugu dambeysay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo qulqulayaya ergooyin ka qeybgalaya shirkaasi oo saaka ka furmaya magaalada Muqdisho, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah taliyaashii ciidamada Soomaaliya soo maray waqtiyadii kala duwanaa ilaa dowadii kacaanka.

Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa oo isugu jira saraakiil ciidan oo dhan walba leh iyo xubno waaya arag ah ayaa muddo dhowr maalmood ah ka doodi doona heerka amni ee uu maanta dalkeenu ku suganyahy iyo qaabka wax looga bedelikaro.

Qaar ka mid ah ergooyinka ka qeyb-galaya shirkaasi ayaa sheegaya in kulamada noocan ah ay yihiin kuwo lagama maarmaan u ah marka laga hadlayo sugida amaanka maadama dalkeenu uu xilligan madaxa kala sii baxayo dagaalladii mudada kasocday.

amni-shir-1

amni-shir-2 amni-shir-3 amni-shir-4 amni-shir-5 DSC04462


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles