Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Qeybtii Kowaad Qalabkii lagu dhisi Lahaa Jidka Ceel-daahir,Badhan iyo Ceerigaabo oo Bosaaso Gaarey.

$
0
0

Qalabkii lagu dhisi lahaa Jidka Ceel-daahir(Ex-Ceeldoofaar) , Badhan iyo Ceerigaabo ayaa waxa  uu ka degay Dekeda Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,waxa Qalabkaasi Hormuud  amase Wakiil ka Ah Ganacsade Reer Sanaag ah oo lagu Magacaabo Cali Axmed Maxamuud Xasan.

Ganacasade Cali Axmed Maxamuud Xasan oo Degan Dalka Sudaan iyo Kenya ayaa Qalabkaasi Wakiilka ah waxana uu Gaaray Wajigiisii Koowaad Magaalada Bosaaso,halka qaybtii Labaadna ay Dhowaan soo Gaari Doonaan isla Magaalada Bosaaso.

Dhawaan ayaa la Bilaabayaa Dhismaha Jidbkaasi isku xidhidoona Ceeldaahir-Badhan iyo Ceerigaabo oo ah deegaan ay inta badan wada degaan Beelaha Wada dhashay ee Axmed Harti iyo Maxamuud Harti ,waxaana Mashruucan Hormuud ka ah Ganacsato Reer PL ah Gaar ahaan G.Sanaag.

660


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles