Munasabadaan oo ay ka soo qayb galeen Maamulka Jaamacad Pidam,Ardayda wax ka barata Jaamacadasi ,Maamulka waxbarshada degmada ,Masuuliyiin ka kala socday jaamacada dalka,Waalidiin iyo marti sharaf aad u tiro badan ayaa ka dhacday Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Munaasabadan ayaa ahayd mid shahaadooyin lagu gudoonsiiyey arday dhamaystay Tababar Xirfado shaqo ah oo muda gaaban soconayey oo ay iska kaashanayeen machadka sii sayd ee fadhigiisu yahay magaalada hargaysa iyo jaamacaada pidam ee magaalada boosaaso.
Gudoomiyaha Jaamacada pidam Pro Maxamed Muumin yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa ka warbixiyey tababarkaan iyo waxyaalaha lagu baraanaayey,isagoona madasha ka sheegay in ardaydaasi ay waxbadan ka faa iiden tababarkaasi,kana codsaday khabiirka in markale tababaro kale uu ka fuliyo Puntland .
Maxamed maxamud Xasan oo ah baraha tababarkaan bixinaayey ayaa ka shekeyey meelaha ay ka bixiyaan tababarkan,isagoona sheegay in guud ahaan soomaliya ay ka bixyan tababarada noocaan oo kale ah,fadhigooduna yahay Magaalada Hargaysa .
C/raxmaan C/laahi Dayax oo ah madaxa suuq gaynta ee Shirka Golis oo dhankiisa ka hadlay madasha ayaa hanbalyo u jeediyey guud ahaan intii ka qayb qaadatay tababarkaan,waxana uu intaasi raaciyay in Golis iyo waxbarashadu ay yihiin Mataano.
C/laahi Xasan Abshir oo ah Gudoomiyaha waxbarashada Magalada Boosaaso oo dhankiisa ka hadlay Munaasabadaan ayaa u Hanbalyeyey Ardayda Qalinjibinaysa,waxana uu balan qaaday in ka wasaarad ahaan ay soo dhawaynayan cidkasta oo bixinaysa tababaro ardayda Puntland ka faa iidaysan karaan oo wax ku ool ah.
Gabagabdii munasabada waxaa abaal marino lagudoonsiyey Ardaydii Tababarkaan dhamaysatay,waxana gudoonsiiyay Gudoomiyaha waxbarashada degmada Boosaaso iyo masuuliyiinta jaamacada Pidam .