Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Imaaraatka Carabta oo qalab iyo Gaadiid ugu deeqday Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (Sawirro).

$
0
0

Dowladda Imaaraatka carabta ayaa qalab fara badan oo kala gaddisan maanta ugu deeqday Ciidammada Amaanka qaranka Soomaliyeed.

Deeqdan oo isugu jirta dareyska ciidamada iyo gaadiid ayaa waxa safiirka dowladda Imaaraatka carabta u fadhiya Soomaaliya uu ku wareejiyay dowlada Soomaaliya.

Safiirka dowlada imaaraatka carabta Ambasador Maxamed Al-Cuthmaan oo ka hadlay xafladdii guddoonsiinta deeqda ayaa yiri: “ Deeqdani waxay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda Imaaraatka ugu jirto inay qeyb weyn ka qadato nabad iyo xasilloni ku soo celinta dalka aan walaalaha nahay ee Soomaaliyeed, iyadoo taasna ay nagu hageyso xiriirka walaalnimo iyo taariikheed ee ay wadaagaan labada dowladood iyo labada shacab”

“Waan sii wadi doonnaa taageerada aan la garab taagannahay Somalia, taageeradaas oo dhinacyo kala duan lahaan doonta ha ahaato mid amni mid millatari mid dhaqaale iyo mid hurumarneed intaba” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Safiirka Imaaraatka u fadhiya Somalia mudane Maxamed Al Cuthmaan.

Taliyaha ciidanka nabadsugidda Soomaaliya General Bashiir Maxamed Jaamac oo ka hadlay xafladda guddoonsiinta ayaa si weyn uga mahad celiyay deeqdan isgaoo yiri “deeqdan ay dowladda aan walaalaha nahay imaaraatka carabta ugu deedau ciidanka Nabd sugidda qaranka waxay qeyb ka tahay taageerada ballaaran ee ay dowlada Imaaratka la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha ciidanka nabadsugidda Soomaalia

General Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu intaa raaciyay ” Dowladda Imaaraatka ma ahan deeqdii ii ugu horreysay ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo ciidanka nabadsugidda, ee waxaa jira taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii la soo dhaafay sida Safiirkuba u sheegay , taas oo wax weyn ka tartay wax qabadaka ciidammada ammaanka iyo tayadooda”

Dowladda Imaaraataka ayaa ka wadda Caasimadda muqdsho iyo gobollada dalka, mashaariic kala duwan oo ayka mid yihiin dhismaha isbitaallo, xarumo millatari, xarumo maamul iyo mashaariic bani aadannimo oo kaalmo loogu fidinayo, barakacayaasha iyo dadka ku waxyeellobay daaddaka iyo dabeylaha ku dhiftay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
deeqimaarad_6

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles