Wararka naga soo gaaraya degmada Taleex ee Gobalka Sool maanta ayaa sheegaya ciidamo Somailnad ka socda oo wada gaadiidka dagaalka inay kusoo wajahan yihiin Taleex iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.
God’aale oo qiyaas ahaan dhanka waqooyi kaga beegan magalada Talaax ayay wararku tilmaamayaan inay ku sugan yihiin in ka badan 50 gaadiidka dagaalka ah oo ka dhanka Somaliland ka socda.
Waxana Taleex laga dareemayaa Barakac xoogan oo ay bilaabeen dadka degan walow aysan jirin ilaa iyo hadda wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay ciidanka Siilaanyo ay sameeyeen.
Cabdiwali Cali Cismaan oo ka mid ah dadka ku nool magalada Taleex ayaa Radio Garowe u sheegay inay ka war heleen ciidan Somalilnad ka tirsan oo kusoo qul-qulaya deegaano ka tirsan degmada Taleex ee gobalka Sool kuwaaso oo aan wax dhaq-dhaqaaq ah wali samayn.
Waxa uu madaxda Puntland ugu baaqay inay jawaab cad ka bixiso daan-dansiga ay Somalilnad ka wado Deegaanada taleex hoos yimaada iyadoona Taleex laga qaban qaabinayo shirwayne Khaatumo qabsanayso.
Wararka soo gaaraya GO ayaa sheegaya madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay inuu arrintaasi ka hadlayo.
Dhowaan magalada Laasqoray oo ka tirsan Gobalka Sanaag waxaa gaaray madaxwaynaha Somalilnad Axmed Maxamed Siilaanto oo balanqaadyo halkaa ka sameeyay.
Dadka falanqeeya siyaasada Puntland ayaa muujiyay jawaabtii ay dowladda Dr,Gaas ka bixisay socdaalkii Siilaanyo ee Laasqoray inuusan ahayn mid u qalma dareenka shacabka Puntland.