Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra”iisulwasaaraha Soomaaliya oo Gaalkacyo ku Wajahan.

$
0
0

Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiweli Shiikh Axmad ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in uu  ku soo wajahan yahay magaalo madaxda gobolka mudug ee Galkacayo Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo ku sugan magaalada Galkacayo ayaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo Ra’isal wasaarha Somalia.

Booqashadaan oo aan horey loo sii shaacin ayaa la filayaa iney la xiriirto baaqii Madaxweynaha Puntland ku sheegey in maamulkiisu diyaar u yahay in wadahadal la furo dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa dhowaan iska magacaabey guddi ka qayb gala wadahadalka lala galayo dowlada Federaalka balse lama shaacin magacyada xubnahaas.

Warar aan la shaacin ayaa xusaya in Madaxweynaha Puntland uu godoomiye uga dhigey gudiga wadahadalka la galaya xubnaha dowlada Federaalka ah Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji oo iminka ku weheliya safarka Galkacayo.

Waxaa horey u go’naa xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Puntland kadib markii xukuumadii Faroole ku eedysay dowlada Xasan Shiikh iney faragalin xoogan ku sameysay dastuurka Federaalka halka heshiisyo labada dhinaca gaareen aysan waxba ka fulin.

Puntland ayaa waxaa horey u soo booqdey Ra’isal wasaarahii hore ee Somalia Saacid halka Madaxweynaha Xasan Shiikh booqasho ku yimid magaalo madaxda Garowe isagoo halkaas kula kulmey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole iyo xubno ka tirsan golihiisa xukuumada.

sow8


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles