Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Kooxo hubeysan oo dad rayid ah ku dilay degaano ka tirsan gobolka Mudug.

$
0
0

Waxaa saakay degan xaaladda degaano ka tirsan gobolka Mudug dhinaca maamulka Galmudug, kaddib markii xalay gaari rakaab ah ay kooxo hubeysan ku rasaaseeyeen degaano ka tirsan gobolkaasi.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaanka lagu rasaaseeyay gaarigaasi ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen ilaa laba ruux, halka laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dableyda rasaaseysay gaarigaasi oo iyagu isaga baxsaday goobtaasi, iyadoo aanay jirin fal dhac ah oo ay kula kaceen gaariga iyo dadkii saarnaa, gaarigaasi oo ahaa nooca xamuulka lagu qaado oo siday dad rayid ah iyo xamuul.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay inay baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi, isagoona sheegay in saakay howlgallo amniga lagu xoojinayo ay ka bilaabeen degaano ka tirsan gobolka.

mudug


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles