Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Dawladda Puntland Oo La Kulmay Ardayda Jaamacadaha Ee Magaalada Gaalkacayo(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta kulan la yeeshay ardayda Jaamacadaha kala duwan ee magaalada Gaalkacayo, waxaana kulankaasi uu ku qabsoomay hoolka shirarka ee hay’adda TAG Foundation.

Madaxweynaha Puntland waxaa kulanka kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda iyo saraakiil tirsan Madaxtooyada, waxaana halkaasi laga soo jeediyay khudbado muhiim ah oo salka ku haya tayaynta waxbarashada dalka iyo kobcinta ka warqabka dhalinyarada reer Puntland.

Qaar ka mid ah gudiyada dhalinyarada ardayda ah ee wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Gaalkacayo ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas sida uu ugula soo qayb galan kulanka iyo la tashiga uu maanta la sameeyey ardayda wax ka barta Gobolka Mudug.

Dhalinyarada ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiintii la socotay madasha kulanku ka dhacay waxay ku waydiiyeen su’aalo kala duwan, iyagoo sidoo kalena usoo gudbiyay madaxweynaha fikrado dhowr ah oo ay u arkeen in lagu gaari karo horu mar ballaaran.

Waxay sidoo kale Dawladda ka dalbadeen in dhalinyarada wax bartay loo sameeyo shaqo abuur si ay uga kaaftoomaan tahriibka iyo wixii la mid ah, waxay sidoo kale Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta Dawladda ay ka codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo tacliinta sare ee Gobolka Mudug isla markaana Jaamacadaha loogu deeqo dhul deegaan ah isla markaana hanti u noqda si ay usii shaqeeyaan ugana baxan guryaha kirada ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dhalinyarada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay ugu casumeen kulnakan uuna si gaar ah ugu faraxsan yahay inuu hor fariisto ardayda wax ka barata Jaamacadaha Gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas waxa uu u sheegay ardaydii uu kulanka la qaatay ee Gobolka Mudug inuu si dhab ah u qaatay talooyinka kala duwan ee ay usoo jeediyeen dawladdiisa isla markaana ay uga mahadceliyaan dorka wanaagsan ee ay ugu jiraan bulshada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa ku dheeraaday faa’iidda ay waxbrashadu leedahay, wuxuuna ardayda kula dardaarmay inay sii wataan waxbarashada isla markaana ay ku dhiiri geliyaan ubadka soo koraya.

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ah gudoomiyaha Hay’dda TAG Foundation oo iyadu soo qaban qaabisay kulankii maanta ay isku arkeen ardaya Jaamacadaha Gaalkacayo iyo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli , ayaa dhankeeda tibaaxday in ay muhiim tahay kobcint iyo kor u qaadista tacliinta sare ee Puntland.

IMG_8902 IMG_8903 IMG_8904 IMG_8906 IMG_8907 IMG_8908 IMG_8917 IMG_8920 IMG_8924 IMG_8925 IMG_8927 IMG_8931 IMG_8933 IMG_8935 IMG_8936 IMG_8944 IMG_8945 IMG_8947 IMG_8954 IMG_8963 IMG_8965 IMG_8985 IMG_8988 IMG_8997 IMG_8998 IMG_9004 IMG_9009 IMG_9016 IMG_9023 IMG_9034 IMG_9039 IMG_9049 IMG_9054 IMG_9062 IMG_9067 IMG_9071 IMG_9072 IMG_9078 IMG_9090 IMG_9093 IMG_9100 IMG_9119 IMG_9127 IMG_9130 IMG_9132 IMG_9140 IMG_9152 IMG_9158 IMG_9165


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369