Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Galkacyo Maanta Kula Shiray Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Gobolka Mudug(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah golayaasha Dawladda oo safarkiisa ku wehelinayay ayaa maanta magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug kula shiray bulshada kala duwan ee ku dhaqan gobolkaasi.

Bulshada kulanka ka qayb gashay oo aad u fara badnayd ayaa madaxweynaha dawladda Puntland usoo gudbiyay talooyin kala duwan kuwaasi oo ay ku tilmaamayeen inay hormuud u noqon karaan in Gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Galkacayo wax looga qaban karo baahiyaha ka taagan, isla markaana ay muhiim tahay in bulshada wada tashi lagala yeesho tallabooyinka la qaadi karo.

Waxay sidoo kale muujiyeen inay aad uga xun yihiin dilkii maalinamdii dorraad garoonka diyaaradaha ee Galkacayo loogu gaystay laba sarkaal oo ajaanib ah una shaqaynayay hay’adaha Qaramada Midoobay, iyagoo tacsi u diray ehelada ay kasoo jeedeen, waxayna ballan qaadeen inay muujin doonaan dareen tilmaamaya sida ay shacabka Gobolku uga xun yihiin dhacdadaasi.

Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyay bulshada magaalada Galkacayo sidii diiranayd ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada.

Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli ayaa si qota dheer u dhagaystay talooyinka kala duwan ee kasoo baxayay bulshadii uu maanta kula kulmay magaalada Galkacayo, wuxuuna si cad u tilmaamay in uu qaadanayo oo ku dhaqmi doono inta ugu wanaagsan  talooyinka ay bulshada Gobolka Mudug usoo gidbiyeen hogaanka sare ee Dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedka safarkiisa Gobolka Mudug uu ku salaysan yahay sidii ay dawladdu u waraysan lahayd ulana tashan lahayd Bulshada, si loo helo isbedelkii ay dawladdiisu ballan qaaday.

Kulanka oo qaatay saacado fara badan ayaa hal kudhig looga dhigay “Kulanka Wada Tashiga Dawladda Iyo Shacabka Galkacayo” waxaana soo qaban qaabisay hay’adda cilmi barista Puntland ee PDRC.

IMG_7267 IMG_7275 IMG_7291 IMG_7294 IMG_7300 IMG_7303 IMG_7306 IMG_7313 IMG_7334 IMG_7344 IMG_7352 IMG_7373 IMG_7378 IMG_7382 IMG_7388 IMG_7398 IMG_7402 IMG_7403 IMG_7405 IMG_7410 IMG_7416 IMG_7423 IMG_7435 IMG_7443 IMG_7446 IMG_7448 IMG_7451 IMG_7456 IMG_7467 IMG_7471 IMG_7474 IMG_7480 IMG_7482 IMG_7489 IMG_7498 IMG_7508 IMG_7510 IMG_7513 IMG_7525 IMG_7539 IMG_7544 IMG_7555 IMG_7566 IMG_7578 IMG_7587 IMG_7614 IMG_7642 IMG_7644 IMG_7647 IMG_7649 IMG_7658 IMG_7672 IMG_7676 IMG_7686 IMG_7690 IMG_7694 IMG_7699 IMG_7699_1 IMG_7718 IMG_7731 IMG_7763 IMG_7260 IMG_7265


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles