Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Mareykanka oo ka tacsiyeeyay dilkii shaqaalihii UNODC.

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa maanta ka tacsiyeysay dil shalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo qof oo ajnabi ah oo u shaqeynayay xafiiska la-dagaallanka maandooriyaha iyo fal-dambiyeedyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UN Office on Drugs and Crime (UNODC).

War-qoraal ah oo warbaahinta la soo gaarsiiyay ayuu Mareykanku ku sheegay inuu ka xun yahay falkaas, isagoo ka codsaday maamulka Puntland inuu sameeyo baaritaan degdeg ah si caddaaladda loo hor keeno kuwii ka dambeeyay dilka.

Howlwadeennada Qaramada Midoobay ayuu Mareykanku tilmaamay inay ku shaqeeyaan xaalad adag si ay u taageeraan dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Shalay ayaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo lagu dilay nin Faransiis ahaa oo lagu magacaabi jiray Clement Gorrissen iyo nin British ah oo lagu magacaabi jiray Simon Davis, kuwaas oo ka tirsanaa saraakiisha UNODC.

US_FLAG


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles