Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa dalbaday in si degdeg ah cadaalad loo horkeeno ciddii ka dambaysay falkii dilka ahaa ee shalay lagu Khaarijiyay Labadii nin ee ka tirsanaa hay’ada UNODC.
War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen dilka Labada Nin ee shalay la dilay.
Golaha waxa ay sheegen in ay uga tacsiyadeenayan eheladii dadkaasi ay ka baxeen iyo xukuumadaha ay u dhasheen. Warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha ammaanka ayaa lagu sheegay in raggii shalay lagu dilay Gaalkacyo ay Somalia u yimaadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shacabka Somalia.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqay saraakiisha Soomaalida in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaalada ka horkeenan cidii falkaasi fulisay.
Sidoo kale agaasimaha hayada qaramada midoobay u qaabilsan mukhaadaraadka iyo dambiyada Yuy Fedotov ayaa si xoog leh u cambaareeyay falkii lagu khaarijiyey shaqaalihii ka tirsanaa hay’adaas,Waxana uu sarkaalkan ku tilmaamay dilka inuu ahaa mid xaasidnimo iyo macno la’aan ay ku dheehan tahay.