Ciidanka Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa ku guuleystay in ay dib ugu soo celiyaan xabsiga maxaabiis ka baxsatay gelinkii hore ee maanta.
15 maxbuus ayaa la sheegay in ay ka boodeen derbiga qeybtii ay kaga xidhnaayeen xabsiga iyagoo adeegsaday maryahooda, waxaana ciidanku ka dib markii ay ka warheleen baxsashada maxaabiistaas bilaaben howlgal balaaran kaas oo ay ku soo qabteen 11 ka mid ah maxaabiistaas.
2 ka mid ah ayaa la sheegay in xiligii baxsashada uu soo gaaray dhaawac jabniin ah halka 2 kalena aan fara lagu heynin weli.
Maxaabiistan Baxsatay ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen kuwo dhowaan dalka dib loogu soo celiyay oo ku xukuman xukun xabsi ilaa dhowr iyo toban sano ah, iyagoo lagu helay falal dembi oo burcad badeednimo ah.
Saraakiisha Xabsiga Boosaaso oo warfidiyeenada qaar hadal siiyay ayaa sheegay in ay ciidanku weli ku daba jiraan soo qabashada labada maxbuus ee baxsatay, iyagoo ka baadi goobaya xaafadaha magaalada .