Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Akhriso Taariikhda Saldanada Maakhir ee Puntland iyo Heshiiskay La Galeen Boqortooyadii Ingiriiska..

$
0
0

AKHRISO TAARIIKHDA SALDANADA MAAKHIR EE PUNTLAND IYO HESHIISKAY LA GALEEN BOQORTOOYADA INGIRIISKA.

Lix qabiil oo Waqooyiga degan ayaa la kala galay Ingiriiska lix heshiis [xagga hoose ayaa lixda heshiis ku qoran yihiin]. Qabiilka Dhulbahante iyagu wax heshiis ah lama gelin Ingiriiska oo waxay ku hoos yimaadeen Ingiriiska heshiiskii jeexida xudduuda Italian Somaliland iyo British Somaliand. Qabiil Isaaq la yidhaahdo oo wada socda oo heshiis la galay Ingiriiska ma jirin. Ma jirin wax la yidhaahdo “Somaliland” dad metelaya oo wada socda oo heshiis la wada galay Ingiriiska. Ereyga “Somaliland” wuxu ahaa magac ay dawlada Ingiriisku maamulka qabaa’ilka ay heshiiska la gashay iyo Dhulbahante ay ula baxday dhulkii ay deganaayeen iyadoo magacaa markii u horeeyey, maadaama “Dhul Soomaaliyeed” uu u taagan yahay, loo isticmaalay Koonfurta iyo magaalooyinka Baraawe.

Qabaa’ilka Waqooyigu xorriyada kuma qaadan in ay ka mid noqdaan dal xor ah oo “Somaliland”la yidhaahdo. Markii xorriyada Waqooyiga la siinayey dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintii Shirkii Dastuurka ee May 1960 u sheegtay in aaney heshiis la gelin wax la yidhaahdo “Somaliland” oo siyaasiyiin metelaan sidaa darteed aaney xorriyad sharciyan sidaa ku bixin karin. Dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintaa ka dalbadeen iney dib ugu noqdaan qabaa’ilka heshiiska lala galay iyo Dhulbahante, oo kaga mid noqday maamulkii Ingiriisiga ka dib markii Talyaaniga iyo dalwada Ingiriisugu kala saxiixanayeen heshiiskooda xadka, oo weydiiyaan waxa ay rabaan.

Siyaasiyiintaa xornimo ayaanu rabnaa ku yidhi Ingiriiska ma laheyn awood ay ku joojiyaan ama baxaan heshiisyadii qabaa’ilka lala galay, maadaama aaney iyagu saxiixin. Wasiirkii Isticmaarku wuxu amray kuwii metelayey “Somaliland’ in ay soo caddeeyaan waxa qabaa’ilku rabaan si heshiiskaasi meesha uga baxo. Markii siyaasiyaantii dib loo soo celiyey iyadoo taa shardi lagaga dhigayo ayaa Odayaashii heystay awooda saxiixu caddeeyeen in aaney rabin Xornimo iyodawlada “Somaliland” la yidhaahdo oo keliya laakiin ay rabaan xornmimo iyo Dawlada Soomaaliyeed oo mideysan(Independence and Union With Somalia).

Maamulka Isaqland ee Hargeisa marin habaabinta uu wado oo ah in xorrnimada lagu helay wax la yidhaadho “Somaliland” oo xor u noqatay iney keligeed istaagto oo markaa “Italian Somaliland” lala midowday waa mid ka hor imaneysa xaqiiqada sharciga ah ee maanta caalamka meel kasta taala oo ah in wax “Somaliand” la yidhaadho aaney weligeed si cad xorriyad uga qaadan Ingiriiska iney noqoto dal madaxbanaan. Arrinta beenta ah ee Isaqland sheego oo ah waa nala aqoonsaday iyada adduunku waa la yaabaa beenta iyo indha-adayga ay aqoonsiga ku raadsanayaan maadaama ay meel kasta yaaliin caddeymaha muujininaya sidii xornimada loo siiyey qabaa’ilkii deganaa Waqooyiga iyo in aaney jirin cid weligood aqoonsatay; tahniyadihii meelaha qaar ay u soo direen qab’aailkaa Soomaaliyeed ee xorriyadoodii ku helay iney la midoobaan “Italian Somaliland” ayey ka dhigaan mid lagu aqoonsaday. Ma oga in aaney adduunka khaldin karin oo ay u fiican tahay iney xaqiiqda sheegaan hadday wax aan soconeyn xitaa raadsanyaan.

Si sharciyan loo helo magac ka duwan “British Somaliland” ayaa markay odayaashi ogoladeen“Xorriyad iyo Midnimo Soomaaliyeed” aya dawlada Ingiriisku si taxdir le u isticmaashay ereyga “Somaliland”, oo “British” laga reebay, si ay fuliso wixii ay tahay in ay kaga baxdo dhulkaa iyo sharciga dhawrka cisho oo “Italian Somaliand” xornimada qaadaneyso ay sii hoos geliyaan. Marna, xitaa shantaa cisho, magacaa looma adeegsan oo uma taagneyn wadan madaxbaanaan. Dal la yidhaadho “Somaliland” oo xornimo ku helay shuruud la’aan sida aanu weligii u jirin ayey maantana tahay in aan la keeni karin wax “Somaliland” la yidhaahdo oo wada socda oo “Koonfur” ama “Italian Somaliland” la hadlaya.

Waxa jiray qabaa’il “British Somaliland” hoos imanayey oo madaxbaanin ku helay in ay la midoobaya “Italian Somaliland”. Shardiga xorriyada lagu helay oo ah midnimada Soomaaliyeed xaq uma le qabiilka Isaaqa keligii intuu dib ugu noqdo 1960 in uu markaa meel kasta ka sheego tan xornimada ookeliya. Xorriyada iyo midowga siday markaa u wada socdeen ayey u wada soconayaan ama qabiil kastii aayihiisu ka tashanayaa. Sidaa darteed Dawlada Federaaligu waa in aaney meesha marna keenin wax aan jirin xitaa 1960 oo dawlada Ingiriisku diiday oo ah in Isaqland metelaan qabaa’ilkii British Somaliland oo dhan, waa haddii Dawlada Federaalku aaney rabin in Soomaali sii kala go’do oo qabiil kastii dawlad noqdo.

 

Sultan Mohamud Sultan Ali-Shire Sultan Muhammad(Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire Suldaan Maxamed), Sultan of Warsangeli

Warsangeli Heshiiska uu la galay Boqortooyada Ingiriisku waa ka duwan yahay heshiisyada kale oo dhan marka la eego xagga awooda saxiixa, madaxbanaanida loo ogolaa, maamulkood gaarka ah iyo qodoba kale u ku jira heshiisyada qabaa’ilka kale oo laga saaray ama waxa laga bedelay markii Warsangeli lala gelayey.

Dhulbahante heshiis lama gelin Ingiriiska; Odayaasha Ardaaga Warsangeli iyaguna wax kasta oo loo keenay qalinka kuma ay duugine waxay si adag u dalbadeen in qodobada Ingiriisku la yimi ee qolooyinka kale aqbaleen in qaar gebi ahaan laga saaro oo aanay aqbaleyn, qaarna wax laga bedelo iyo in iyagu qaar ku soo darsadaan.

Heshiiska Warsangeli waa kan keliya oo uu saxiixay Suldaan Guud oo loo aqoonsan yahay hogaanka qabiilkiisa iyo maamulka dhulkiisa.

SultanMohamudAliShire-1960-August_History_Today

Heshiisyada kale odayaasha saxiixayaa ma le awoodaa, loomana aqoonsan markay wax saxiixayeen. Aqoonsiga la siiyey Suldaanka iyo Maamulkii Ardaaga Odayaasha Warsangeli si loo dhawro nidaamkoodii ismaamulka ee casriga ahaa waxa Ingiriiska khasab ku noqotay inuu si gaara ula galo wada hadal Odayaasha Warsangeli. Taasi waxay keentay in heshiiska Warsangeli laga ilaaliya waxkasta oo xornimadooda, maamulkooda, ku xadgudubka dhulkooda iyo iska soo gelida badooda laga ilaaliyo. Waa laga wada saaray heshiiska Warsangeliga qodobada heshiisyada qabaa’ilka kale ku jira ee wax u dhimi kara arrimahaa.

Heshiiska  Warsangeli waxa laga saaray odhaahda “the maintenance of our independence, the preservation of order …… ”  oo ah in xejintta xornimada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta dhulka gacanta loo geliyo Dawlada Ingriiska. Qabaa’ilka Waqooyiga ee heshiisyada saxiixay way ogalaadeen taa laakiin Odayaasha Ardaaga Warsangeli waa diideen waana laga saaray heshiiskooda. Warsangali waxaa loogu bedelay, hadday baahiyi timaado, in Warsangeli gacan siin doonaan hawlaha gaarka ee sarkaalkaa loo diro iyagaa ka wada shaqeynaya iyaga iyo Warsnageligu arrimaha caddaalada,  horumarinta kheyraadka dalka, ganacsiga, iyo arrimaha la xidhiidha nidaamka, dawlad wanaaga iyo horumarinta guud ee ilabxnimda caalamka. Faahfaahintaa dheer oo tilmaamay sida dawlada Ingiriisku u aragtay in ay Warsangeli yihiin maamul adduunka wax ku soo kordhin kara oo ay aqoonsatay nidaamka iyo horumarka Saldanada Maakhir gaartay ayey garteen iney heshiiskooda sidaa u dhigaan oo deegaanka maakhir ka dhigaan “country” halka heshiisyada kale laga dhigay qabiil wax  lala saxiixda oo laga xayuubiyey xornimadoodii oo Boqortooyada Ingiriisku ilaalineyso.

Maadaama awood xagga badda ah oo weyn Warsangeligu ay lahaayeen Ingiriisku wuxuu kaloo ka saaray odhaahda “All vessels under the British Flag shall have Free permission to trade at all ports and places within …“ oo ah in maraakiibta wadata calanka Ingiirsku la siiyo ogalaasha furan oo ah iney siday doonaan uga ganacsan karaan xeebaha iyo goobaha qabiilka. Maadaama nidaam iyo kala dambeyn ay leedahay Saldanada Maakhir waxay diideen in ay Boqortooyada Ingiriiska uu ogalaadaan iney maraakiibtoodu xeebahooda iska soo galaan oo dhulkooda ka ganacsadaan iyagoo aan ogolaasha Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka heysan. Laakiin qabaa’ilka kale dhulkooda iyo xeebahooda sidii la doonaa laga yeelayey.

Waxay kaloo Ardaaga Odayaasha Warsangeli xilligaa dalbadeen in aan heshiiskoodu noqon mid furan oo suldaanada isbedelayaa dhaxlaan. Waxay diideen odhaahda qabaa’ilka kale oo dhan heshiisyadooda la raaciyey oo ah in iyaga iyo kuwa ay sii dhalaan oo dhulka dhaxli doonaa ay khasab ku tahay iney ilaaliyaan heshiiskaa waa ” their heirs and successors .”

Waxa la yaab le xeel-dheerida iyo garashada fog ee Ardaaga Odayaasha Warsangeli ee xilligaa. Maanta looyarada joogaa sida ay
Ardaaga Odayaasha Warsangeli heshiiskoodu ugu adkeysteen inuu ka duwanaado qabaa’ilka kale iyo in aan ismaamulkooda la taaban karin oo xornimadooda wax loo dhimin, in sidii dal“Country” loola galo,  in aan doonyaha iyo maraakiibta Ingiriisku iska soo geli karin dhulkooda, in aan dadka hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiksu iska dhex mari karin iyo inaan heshiisku noqon mid furan oo Sultaan uu Sultaan ka dhaxlo.

Heshiiskaa Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka shaqeeyeen xilligaa maanta ma sameyn karaan kuwa jooga oo xirfadaa iyo xeel dheeridaa la yaab kale oo ay xitaa ku darsadeen awooda ah in haddii Suldaan cusubi yimaado oo Ardaaga Odayaasha Warsangeli iyo Suldaanku isla gartaan in ay ka baxaan ay jebin karaan halka Soomaalida kale ay khasab ku tahay iney weligood Boqortooyada Ingiriiska ku hoos jiraan.

Source:Allsanaag.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles