Waxa maanta si rasmi ah xilkii u wareejiyay taliyaha ciidanka Police-ka Qeybta gobolka Bari Cisman Xasan Cowke Afdalow, ka dib markii xilka loogaga qaaday wareegto ka soo baxday Xafiisak madaxweynaha Puntland.
Xaflad kooban oo ay saxaafada goob joog aheyd ayaa taliyihi hore Cismaan Afdalow uu sirasmi ah xilka ugu wareejiyay Col. C/raxmaan Cali Cabaas oo isagu loo magacaabay xilka taliyaha qeybta ayaa Police-ka gobolka Bari.
Cismaan Afdalow oo halkaasi hadal ka jeediyay ugu horeyn inta uusan wareejinin xilka ayaa saxaafada u sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay ay aheyd mid uu isaga codsaday islamarkaana ay jiraan xaalado isaga u gaar ah, balse aysan aheyn howl gudanwaa xilka loogaga qaaday.
Waxaa ka dib uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilka Taliyaha cusub isagoo kala dardaarmay xaaladaha ciidanka isagoo sheegay in uu la shaqeyn doono.
Taliyaha Cusub ee loo magacaabay Xilkan C/raxmaan Cali Cabaas(Muslim)ayaa isagu kala wareegay xilka taliyihii hore Mr Afdalow isagoo u mahadceliyay sheegayna in uu xilka ugu wareejiyay si wanaagsan oo xushmad leh.
Sikastaba ha ahaatee taliye Afdalow ayaa ka dib xil wareejinta jawaab ka bixiyay markale wararka qaar oo sheegayay in uu isagu ka dambeeyay xilka taliyihii ciidanka daraawiishta Aaga galgala Jaamac Afguduud waxaana uu wararkaasi ku tilmaamay kuwo qalad ah oo meelkadhac ah.