Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Puntland Iyo Golihiisa Wasiirada oo Garowe Ku Shiray(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed
Cali Gaas iyo Golihiisa wasiirada ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha
ahaa ku yeeshay hoolka shirarka  ee Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn Golaha Wasiirada uga xog waramay
safarkii uu dhowaan kusoo maray deegaano badan oo ka tirsan Gobolada
Bari iyo Kar-Kaar isagoona u sheegay xukuumadda in Puntland ay tahay
deegaan nabad ah oo xasiloon.

Madaxweynaha iyo Golahiisa wasiiradu waxay sidoo kale shirkooda kusoo
qaadeen khilaafka soo noq-noqday ee ka dhexeeya Dawladda Puntland iyo
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas lagu
magcaabay guddi heer wasiiro ah oo ku sameeya baaris iyo dib u eegis
waxyaabaha laysku hayo , isla markaana kasoo tala bixiya xal u helidda
khilaafkaas.

Wasiisrka Amaanka Puntland Xasan Cismaan Alloore ayaa isagana laga
dhagaystay warbixin dhinaca amaanka ku saabsan, waxaana goluhu uu isla
gartay in amniga Puntland uu aad u fiican yahay ,sidoo kalena ay
ciidamada amnigu si wacan u shaqaynayaan isla markaana la sameeyey
goobo kala duwan oo amniga laga ilaaliyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli iyo golahiisa wasiiradu
waxay sidoo kale shirkooda ka doodeen codsi dhowaan ka yimi Dowladda
Norway kaasi oo salka ku hayay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan
Norway Lagu Soo Celiyo Gudaha Puntland.

Falan-qayn dheer ka dib Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland waxay si
buuxda u diideen in la keeno muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ee laga soo
tarxiilayo dalka Norwey in loo soo tarxiilo Puntland,

Golaha xukuumadda Puntland waxay meel mariyeen joojinta bacaha madow
ee lagu daaho muraayada gawaadhida ee loo yaqaano “Beesroolka”
waxayna  Dawladdu si rasmi ah u joojisay isticmaalka bacdaasi madow ee
Beersoolka iyadoo si toos ah looga mamnuucay gaadiidka Dawladda iyo
kan Shacabkaba.

IMG_5771 IMG_5777 IMG_5781 IMG_5783 IMG_5788 IMG_5790 IMG_5792 IMG_5795 IMG_6634 IMG_5749 IMG_5754 IMG_5756 IMG_5758 IMG_5759 IMG_5762 IMG_5764 IMG_5766

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles