Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay Ruushka inuu ciidammadiisa kala baxo gobolka Crimea ee dalka Ukraine.
Obama ayaa hindisay in la dhiso guddi komeerayaal ah oo hubiyo inaan lagu xadgudbin dadka ku hadla afka Ruushka ee dalkaas Ukraine.
Ruushkla ayaa haatan si buuxda gacanta ugu haya gobolka Crimea.
Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay “fal gardarro ah”, balse madaxweynaha Ruushka ayaa arrintaas ku gacanseyray.
Gantaalka ridada dheer ee Ruushka:-
Iyadoo xiisad ay u dhexaysa Ruushka iyo reer galbeedka, ayaa Moscow waxay sheegtay inay tijaabisay gantaal u kala gooshi karo qaaradaha.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lagu guulaystay tijaabada gantaalkan.
Ruushka ayaa ka digay in ciidankooda ay u gudbi doonaan gobollada kale ee ku yaalla bariga Ukraine.