Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Yusuf Indhacade oo lagu wado in laga dhigo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir.

$
0
0

indhacade-290x280Iyadoo uu weli socdo isbedelka lagu sameynayo hogaanka maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan shaqsiyaadka loo magacaabayo ku-xigeenada duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa ka socda kulamo wada tashi ah oo ku saabsan soo xulida ragga ku-xigeenada ka noqonaya maamulka cusub ee gobolka Banaadir, iyadoo la isku barbar wado shaqsiyaad kala duwan.

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu cad-cad ee sida weyn loo hadal hayo, waxaana la sheegayaa in Indhacadde loo wado gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka Banaadir.

Warar aan la xaqiijin balse isa soo taraya ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Banaadir Jen. Mungaab oo daneynayo in Indhacadde laga dhigo ku-xigeenkiisa qaabilsan dhinaca amaanka.

Jen. Indhacadde oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii soo maray koonfurta Somalia 10 sano ka hor ayaa waxaa uu wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ka soo noqday xukuumadii Cumar C/rashiid, wax yar ka dib markii uu ka soo goostay ururkii Xisbul Islaam oo uu ka mid ahaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373