Garyaqaan Cabdiqani Xuseen Gacayte oo ka mid ah Yaryaqaanada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ingiriiska ayaa si qoto dheer uga hadlay Khayraadka Dabiiciga ah ee dhulkeeni Hooyo ee Soomaaliya Ceegaaga amase ku jira.
Garyaqaan Cabdiqani Gacayte Waxa uu ka mid yahay Masuuliyiinta Sarsare ee Hay”adda Muslim Aid ee Fadhigeedu yahay Magaalada London ee Xarunta Dalka Ingiriiska,Hay”addaas oo ah Hay”ad Caawinta dadka danyartaa ee Daafaha Caalamka ku kala Baahsan.
Garyaqaan Cabdiqani Xuseen Gacayte Waxa lagu Marti qaaday Barnaamij Gaar ah oo ka baxa Telefishinka Caalamiga ah ee PuntlandTv Xaruntiisa Magaalada London,Barnaamijkaas oo lagu Magacaabo Dalmar Puntland TV.
Garyaqaan Cabdiqani Waxa uu tusaalooyin usoo qaatay Xeebta ugu dheer Afrika inay tahay xeebta Soomaaliya,isagoona sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay Khayraadka Badooda dhex ceegaaga ay ka qatan yihiin amase ka Hamuumanyihiin.
Halkan Hoose ka Daawo Waraysiga Garyaqaan Cabdiqani Xuseen.