Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in dagaal adag la geli doonto Al-Shabaabka Soomaaliya, kadib markii dhowaan ay ku biirtay howl galka midowga Afrika ee AMISOM.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya Dia Mufti ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan soo celinta nabada Soomaaliya.
“Waxaan xoog iyo maal ku bixin doonaa sidii aan nabada Soomaaliya u soo celin laheyn, Al-Shabaab uga saari laheyn meelaha ay gacanta ku hayaan”ayuu yiri Dina Mufti.
Dina Mufti ayaa sheegay in kumanaan askari ay u soo direen Soomaaliya, si ay ug aqeyb qaataan howl galka ka dhanka ah Shabaab, waxaana uu xusay in qorshahooda yahay sidii ay dagaal adag ula geli lahaayeen Al-Shabaab.
“Ciidamadeena ku sugan Soomaaliya waxay dagaal adag la geli doonaan meel walba oo ay Soomaaliya ka joogaan Al-Shabaab”ayuu yiri.
Afhayeenkan ayaa sheegay in nabad ka dhalata Soomaaliya ay tahay mid dan ugu jirta Geeska Afrika, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay tahay urur argagixiso oo ka soo horjeeda degenaanshaha gobolka.
Hadalkan ka soo baxay Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo kumanaan askari oo ka socda dowladda Itoobiya ay gudaha u soo galeen Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howl galka AMISOM qorsheynayaan inay ku qaadaan goobaha shabaabka maamulaan.