Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Beesha Murursade oo si rasmi ah Kalsoonidii ugala Laabatay Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud(Sawiro).

$
0
0

Beesha Murusade ayaa Galabta si rasmi waxa ay u shaacisay in Kalsoonidii iyo taageeradii kala noqdeen Dowlada Federaalka Soomaaliya, kadib shir balaaran oo mudooyinkan soo socday gaba gabadiisana galabta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirka ay yeesheen Beesha Murusade waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano , Siyaasiyiin , Odayaal Dhaqmeed , Haween iyo Dhalinyaro , waxa ayna dhamaan isku raaceen in Kalsoonidii iyo taageeradii kala noqdeen Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh.

Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya hadal koobana ka jeediyay Madasha kulanka ayaa sheegay in uu taageersan yahay soona dhaweenayo go’aanka ay beeshu ku gaartay in Kalsoonida kala noqotay Dowlada uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa sidoo kale isna goobta ka hadlay Xidhibaan Xasan Macalin oo isaguna sheegay in uu ayidsanyahay Go’aanka ay gaareen Beesha Murusae uuna soo dhaweenayo in Kalsoonida lagala noqdo Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud uu ku eedeeyay in ay xaqirtay Beesha Murusade.

Sidoo kale Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara Cadde oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Xasan Sheekh ilbaabada ka xiratay Beesha Murusade , waxa uuna tilmaamay in go’aanka ay Beesha Murusade Kalsoonida kala noqotay Dowlada uu yahay mid laga wada mideesan yahay.

Halkan ka Aqriso War Murtoyeedka kasoo baxay Beesha Murusade.

Ujeeddo: Soo gudbin go’aanka beesha Murusade/Karanle oo ah kala noqosho
kalsooni Madaxweynaha Jam. Federaaalka Soomaaliya

Shir ay beeshu yeelatay oo socday muddo 15 cisho ah, ayna ka soo qeybgaleen siyaasiyiinta, aqoonyahanada, odayaasha dhaqanka, culuma’udiinka, dhalinyarada, haweenka iyo dhamaan waxgaradka beesha, dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxay beeshu go’aansatay inay kala noqoto kalsoonida Madaxweynaha dalka iyadoo loo sababeynayo qodobada soo socda:

Madaxweynaha oo lumiyay Amaanadii sanad iyo bar ka hor lagu amaanesytay ee Qaranka.
Wuxuu lumiyay himiladii iyo rajadii dowladnimada ummadda Soomaaliyeed iyo tii beesha caalamka.

Wuxuu ku tuntay nidaamkii awood qeybsiga dalka, asagoo si qaas ah ugu xadgudbay kuna takri falay beesha Murusade, ugana baxay ballamo badan.

Wuxuu dib usoo nooleeyay huriyayna colaadaha beelaha Soomaaliyeed.

Wuxuu si joogta ah ku hayaa beesha Murusade barakac, qafaal, xarig iyo cagajugleen asagoo si qaldan ugu ku takri falaaya awooda dowladda si aan sharci ahayn, si uu ugu fogeeyo xagjirnimo.

Asagoo adeegsanaya hay’adaha amniga qaranka mar kasta u isticmaalaa inuu ku sunto beesha oo dhan inay yihiin Shabaab.

Wuxuu inkirsan yahay doorka ay beeshu ku leedahay guud ahaan qaranka, gaar ahaana gobolada ay degto, sida: Gobolka Banaadir.

Beeshu waxay u gudbinaysaa dhamaan umadda soomaaliyeed, beesha caalamka iyo ciidamada AMISOM ina beeshu si buuxda kalsoonida kala laabatay Madaxweynaha J. Federaalka Soomaaliya

Waxaan faraynaa Xildhibaanada iyo Siyaasiinta Beesha inay ku shaqeeyaan kuna metelaan rabitaanka beesha.

Sidaas darteed, qodobada kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan awgeed, waxaan kalsoonidii aan u heynay kala noqonay Madaxweynaha dalka.

Wabillaahi towfiiq.

murusade_1 murusade_2 murusade_3 murusade-1 murusade-5 murusade-6 murusade-9_1 murusade-10

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles