Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Duqa Degmada Waaciye oo Booqasho ku Tegay Tuulada Alxamdulilaah(Sawiro).

$
0
0

Duqa Degmada Waaciye Mudane.Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa Maanta Waxay Booqasho ku tageen Tuulada Alxamdulilaah ee Deegaanka Degmada Waaciye.

Wafdiga Duqa Ayaa Waxa ka Mid Ahaa Xubno ka Tirsan Maamulkiisa oo ay  Mid ahaayeen,ku Xigeenka Duqa Degmada Axmed Maxamed Cali , Xisaabiyaha Dowlada Hoose Axmed Salaad iyo Xubno kale oo ka Mid ah Waxgaradka Deegaanka.

Ujeedka Safarka Duqa Degmada Waaciye ayaa ahayd is Xogwaraysi ku aadan Xaalada Guud ee Tuulada Alxamdulilaah,iyadoona uu Duqu La Kulmay odayaasha iyo Waxgaradka Tuulada ,Waxayna ka wada hadleen Xaalada Guud ee Deegaanka Tuulada.

H1260024

Waxgaradka Tuulada Alxamdulilaah ayaa duqa u Gudbiyey Baahiyaha ay ka mid yihiin  Tayaynta Agabyada waxbarashada Sida Kuraasta,Miisaska iyo Sabuuradaha Iskuulka Tuulada oo aan Mudo badan Dayactir Helin.

Sidoo Kale waxay  Duqa ka Codsadeen in Dhanka Caafimaadka wax lagala qabto oo lasoo Gaarsiiyo Dawo iyo agabyo kale oo Caafimaad.

Isku soo wada Duuboo Duqa Degmada Waaciye Mudane.Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa Maalmahan dame bilaabay Safaro uu ku kala Bixinayo   deegaano badan oo ka tirsan deegaanka Degmada Waaciye,Safaradaas oo ula  jeedkoodu ahaa Baahiyaha dhabta ah ee Deegaanka ka jira.

H1260100H1260106

Raadreeb.com Degmada Waaciye.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles