Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kula kulmay magaalada Addis Ababa Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.
Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros ayaa joogay iyo diblumaasiyiin, waxana Madaxweyne Gaas wehelinayay wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta Puntland, taliyaha ciidamada iyo saraakiisha Madaxtoyada.
Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland dalka Ethiopia, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiririka nabadgelyo midka ganacsiga,La Dagaalanka Kooxda Alshabaab ee Fariisimada ku Leh Degmada Galgala iyo weliba kan siyaasadeed ee soo jireenka ah
Labada dhinaci waxay isla qaateen in khatarta ugu wayn Geeska Afrika ay tahay kooxda Al-shabaab, waxana la isla meel dhigay in si wadajir ah loogu kaco dagaalkooda iyadoona lagu heshiiyay xiriirka nabadgelyo inuu noqdo mar weliba mid joogto ah.
Dhanka Kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Dowlada Ethopia Waxa uu u Gudbiyey Codsi ah in Saanad Ciidan lagu Taageero taas oo uu ku weerari Doono Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool taas oo mudo dheer ka Gacanta Puntlandka maqnayd.
Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wargeliyey in aysan Macquul ahayn weerar lagu qaado Magaalada Laascaanood,taas oo ay Dowlada Ethopia ku Andacootay in uu Jiro Heshiis Sadex Geesood ah,heshiiskaas oo Shidaal looga qodayo Degmada Tuka raq oo aan sidaas uga dheerayn Magaalada Laacsaanood ee Gobolka Sool.
Heshiiskan Sadex Geesoodka ah Ayaa dabayaaqadii Sanadkii Hore 2013 Waxa kala Saxiixday Maamulka Somaliland ,Dowlada Ethopia iyo Shirkada African Oil,Waxaana Madaxweyne Gaas Lagu Wargeliyey in Dowlada Ethopia aysan raali ka ahayn Weerar lagu qaado Magaalada Laascaanood amase Khalkhal Amni Xumo looga abuuro Gobolka.
Madaxweyne Gaas ayaa taas bedelkeeda Waxa Loogu balan qaaday in laga Caawin Doono La Dagaalanka Kooxda Alshabaab iyo Tababarida Ciidanka La Dagaalanka Al-Shabaab.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa u kicitimi doona xarunta dowlad deegaanka Somaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaasi oo casumaad uu ka helay madaxweynuhu dhigiisa.