Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland oo sheegay in aan la aaminin dadka ka soo goosta Al-Shabaab.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
darwiish
Mas’uuliyiinta Maamulka  Jubaland  oo maanta ka qeyb galay aaska Taliyihii Nabadsugida Kismaayo Ciise Kaambooni oo xalay la dilay ayaa ku hanjabay inuu u aari doono, isla markaana Al-Shabaab ay dharbaaxo ah kulul la kulmi doonto dhowaan.

Maxamed Warsame Darwiish oo ah wasiirka Amniga Maamulka Juba ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Taliyihii Nabadsugida, waxaana uu xusay in lagu raad-joogo kooxihii ka dambeeyay.

“Waa u aari doonaa Taliyaha, waxaa balan qaadi doonaa in dharbaaxo kulul ay la kulmi doonaan, kuwa iska soo dhiiba Al-Shabaab yaan la aaminin, Shabaab Adeer, Abti, walaal midna malahan”ayuu yiri Mr Darwiish.

Ciise Kaambooni oo ka mid ahaa dhaq dhaqaaqii Mucaskarkii Raaskambooni ayaa in muddo ah bartilmaameed u ahaa Al-Shabaab, waxaana Sarkaal u hadlay Al-Shabaab uu sheegay in howl galka lagu dilay uu ahaa mid gaar ah oo ay si aad ah u soo qorsheeyeen.

Sarkaalkan ayaa la dilay xilli uu ku soo jeeday gurigiisa, iyadoo dilkiisa uu ka dambeeyay nin ka mid ahaa Ilaaladiisa oo qaraabo la ahaa, kaasoo dhowr bilood ka hor ka soo goostay Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka Kismaayo ayaa howl galo ballaaran ka wada xaafadaha Kismaayo, waxaana ay qab qabteen dad fara badan oo loo haayo tuhun, iyadoo wali xaalad kacsanaan ay ka jirto magaalada oo dhan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369