Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaad cusub ka bilaabi doonta magaalada Muqdisho.

$
0
0

Shirkada Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa duulimaad cusub ka bilaabi doonta magaalada Muqdisho, kaasoo qeyb ka ah heshiis ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaadiidka cirka iyo duulista hawada ee labada dal.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in dhigiisa Itoobiya uu la saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan wada tababarka shaqaalaha hey’adaa saadaasha hawada iyo duulista iyo shaqaalaha duulimaadka.

Mr Qoorsheel ayaa sheegay in mustaqbalka dhow ay diyaarada Ethiopian Airlines ay duulimaad rasmi ah ka bilaabi doonto Muqdisho, isla markaaana duulimaad toos ah ku kala bixin doonto Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Heshiiskan wuxuu ahaa mid aad muhiim noogu ah xilligan, waxaa la tababari doonaa xubnaha shaqaalaha duulista hawada”ayuu yiri Saciid Jaamac Qorsheel.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan dib u howl gelin doonto Shirkadii Somali Airline 23-sano kadib.

Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ka mid ah diyaaradaha ugu casrisan geeska Afrika, oo duulimaadyo caalami ah ku taga dalal badan oo Aduunka ka mid ah.

Shirkadaha Diyaaradaha Turkish Airlines iyo Uganda Air ayaa ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah ee sida tooska ah ee duulimaad uga sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana labadii sano ee u dambeeyay soo kordhayay diyaaradaha caalamiga ee Soomaaliya duulimaadyada ka bilaabay.

ETH


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles