Sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadanimo Valerie Amos ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan karin xadgudubyada ka dhacaya dalka Suuriya.
Amos ayaa warkan u sheegtay Golaha Amaanka ee qaramada midoobay.
Waxay sheegtay in dhinacyada ku dagaallamaya Suuriya ay si ula kac ah ugu xadgudbayaan shruucda Caalamiga ah ee howlaha gargaarka.
Amos ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka in uu meel mariyo qaraar suuragelinayo in dadka halkaasi ku xaniban la gaarsiiyo gargaar bani’aadanimo.
Cirib tirka bulshada rayidka ah:-
Amos ayaa sheegtay in sidoo kale kooxaha isku haya dalkaasi ay ku guul dareysteen waajibkoodii ahaa in ay difaacaan shacabka.
Waxay sheegtay in kooxahaas ay haatan cirib tirayaan jiritaanka bulshada reer Suuriya.
Xabadjoojin laga dhaqan galiyey magaalada Xums oo wakhtigeedii dhamaaday ayaa la kordhiyay waxaana lagu daray saddex maalmood oo dheeri ah.
Arrintan ayaa suuragal ka dhigi doonto in goobaha ay heystaan fallaagada laga soo daad gureeyo dadka rayidka ah.
Balse Valerie Amos ayaa sheegaysa in xabadjoojintaas aanay xal waara u ahayn xaaladda magaaladaas.