Xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ayaa uga digay muwaadiniinta Ingiriiska ee ku sugan gudaha Soomaaliya qorsheyaal lagu bar-tilmaameedsanayo ajaaniibta oo ay wadaan kooxaha argagixisada ah, wuxuuna xafiiska ka dalbaday muwaadiniinta Ingiriiska ah in ay ka soo baxaan Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay jirto halis joogta ah oo ka imaaneysa argagxisada, sida; afduub ay u geystaan dadka ajnabiga ah ee ku nool Soomaaliya iyo deegaannada maamulka Somaliland.
Xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay in weerarrada argagixisada ah ay noqon karaan kuwo aan loo meel dayin oo lala eeganayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, munaasabadaha mas’uuliyiinta sare ay ka qayb galayaan, xafladaha ay ku lug leeyihiin madaxda dowladda iyo goobaha ay sida joogtada ah u tagaan dadka ajnabiga ah.
Xafiiska ayaa dhinaca kale ka digay in ay jirto halis ka imaaneysa kooxaha burcad badeedda ah ee ka qowleysta Gacanka Cadmeed.
Digniinta ka timid dowladda Ingiriiska ayaa caqabad ku noqoneysa isku day ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay in ay ku soo jiidato qurbajoogta Somaaliyeed iyo maalgashi ay ajaaniibta ku sameystaan dalka.