Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Puntland oo dadka Reer Puntland ka dalbaday inay Booqashada Badan ka daayaan Madaxtooyada.

$
0
0

imagesMadaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka dalbaday dadka Reer Puntland in mashquulka iyo booqashada badan ka daayaan.

C/wali Gaas ayaa dalbaday in ugu horeyn Mashquulka badan iyo booqashada lagu hayo Madaxtooyada Puntland la yareeyo, isagoona  muujiyay inuu qaati ka taagan yahay qaabilaada badan ee uu la sameeyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland, waxaa isa soo tarayay qaylo dhaan ka imaanaysay qaar ka mid ah Beelaha Dega Puntland ,kuwaas oo aan ku qancin Natiijadii kasoo Baxday Magacaabistii Golaha Wasiirada Puntland.

Laakiin waxaa la is weydiinayaa Madaxweynaha oo wali aanay labo bil u buuxsamin sida hada uu uga cabanayo mashquulka iyo booqashada bada ee lagu jahwareeriyay, maadaama uu yahay ninkii ugu sareeyay maamulka, hubantina tahay in dadku arkaan ama ay la kulmaan.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles